3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 15, 2014
Haweenka ku nool Mareykanka oo la Sheegay in ay ku biiraan Kooxda Daacish

Isniin, September 15, 2014 (HOL) — Haweenka ku nool dalka Mareykan ayaa la sheegay inay billaabeen inay ku biiraan kooxda Islaamiga ah ee ISIS oo ka dagaalanta dalalka Ciraaq iyo Suuriya, kuwaasoo ay ku jiraan gabdho Soomaaliyeed oo Mareykanka ku nool.

Kooxda ISIS ayaa la sheegay inay xilligan si aad ah u soo jiidanayaan dumar aad u da’yar si ay ugu biiraan dagaalyahannadooda, xilli Mareykanku uu aad u raadinayo xulufo kala qaybqaadata sidii kooxdan u burburin lahaayeen.

Wargeys kasoo baxa dalka Israa’iil ayaa qoray maanta in hoggaamiye ka tirsan kuwa Soomaalida ee gobolka Minnesota uu u sheegay in saddex ka mid ah gabdhaha Soomaaliyeed ee gobolkaas ku nool la waayay, kuwaas oo loo maleynayo inay aadeen Siiriya iyo Ciraaq si ay ugu biiraan Daacish.

Gobolka Minnesota ayaa ah kan ay ku nool yihiin Soomaalida ugu badan ee Mareykanka deggen, iyadoo sidoo kalena lagu sheegay gobolkaas inuu yahay kan ugu weyn ee kooxaha Islaamiyiinta ah ka ugaarsadaan dhallinta soo koraysa.

Dowladda Mareykanka ayaa horay u sheegtay in dhallinyaro tiradoodu u dhexeyso 15 illaa 20 ay horay ugu biireen Al-shabaab, kuwaasoo intooda badan ka tagay gobolka Minnesota ee ay Soomaalidu degto.

Wararkan ayaa waxay imaanaysa iyadoo dhawaan la sheegay in gabadho Soomaaliyeed oo ay da'doodu tahay 16-sano kana yimid dalka Britain ay kooxda ISIS ku biireen, taasoo ka yaabisay caalamka oo dhan.

Sidoo kale, dhawaan ayaa waxaa lagu dilay dalka Suuriya wiil Soomaali ah oo ku noolaa gobolka Minnesota kaasoo ku biiray kooxdan, waxaana tani ay sii xoojinaysaa walaaca laga qabo dhallinyarada ku biiraya kooxda ISIS.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
9/15/2014 2:12 PM EST
Isniin, September 15, 2014 (HOL) — Isu-tagga ururrada shaqaalaha Soomaaliyeed ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen maanta ku sheegay inay aad uga xun yihiin waxyaabaha ka dhacday dekedda Muqdisho, taasoo xadgudub loogu geystay muwaadiiniinta Soomaaliyeed ee madax u ah xoogsatada dekedda Muqdisho.

9/15/2014 12:13 PM EST
Isniin, September 15, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa xarunta madaxtooyada kulan kula qaatay xalay qaar ka mid ah suxufiyiinta ka howl-gala Muqdisho iyo madaxdooda, waxaana kulankaan ka qayb-galay wasiirka warfaafinta, wasiirka garsoorka iyo xeer-ilaaliyaha guud ee dalka.

9/15/2014 11:55 AM EST
Isniin, September 15, 2014 (HOL) — Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya, Saciid Cabdullaahi Maxamed iyo wasiir ku xigeenka wasaaraddaas, C/llaahi Sh. Cali Qaloocow ayaa maanta kulan la qaatay isku-duwaha arrimaha bani’aadamnimada QM u qaabilsan Soomaaliya, Philippe Lazzarini.

9/15/2014 10:44 AM EST
Isniin, September 15, 2014 (HOL) — Xisbiyada mucaarad Somaliland ayaa sheegay inay xukuumadda la galayaan wadahadal ku saabsan sida laga yeelayo diiwaan-gelinta madaniga ah kaas oo ay ka soo qaybgali doonaan xisbiyadda mucaaradka, laba wasiir iyo xisbiga taladda haya ee KULMIYE.

9/15/2014 10:30 AM EST
Isniin, September 15, 2014 (HOL) — Banaanbax ay baabulkiisa lahaayeen dadweynaha ku nool Baydhabo ayaa maanta ka dhacay degmadaas, iyadoo ay sidoo kale xildhibaannno shir ku qabtay degmada Baydhabo ay dowladda Soomaaliya kaga dalbadeen inay joojiso shirka lagu qabanayo Kismaayo.

9/15/2014 9:30 AM EST
Isniin, September 15, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehlinayaan wasiirrada arrimaha gudaha iyo caafimaadka Soomaaliya ayaa maanta kormeeray dhismaha isbitaalka Digfeer ee Muqdisho oo lasoo gaba-gabeeyay dayactir iyo qalabeyn ay ku sameeyeen hay’adaha Turkiga ee dalka ku sugan.

9/15/2014 8:25 AM EST
Isniin, September 15, 2014 (HOL) — Soomaalida lagu dilay Koonfur Afrika ee sannadkan ayaa tiradooda lagu sheegay inay garayso 43-qof, kuwaasoo ay ku jiraan saddex Soomaali ah oo maanta lagu dilay duleedka magaalada Pretoria ee xarunta ah, iyadoo 26 ka mid ah dadkaas lagu dilay Cape-town iyo duleedyadeeda.

9/15/2014 7:38 AM EST
Isniin, September 15, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sh. Axmed iyo wafdigii uu hoggaaminayay ee Baydhabo tagay ayaa intii aysan kusoo laaban Muqdisho, waxaay kulammo kala duwan lasoo qaateen, odayaasha dhaqanka, bulshada, saraakiisha ciidanka dowladda iyo AMISOM.

9/15/2014 5:55 AM EST
Isniin, September 15, 2014 (HOL) —Madaxweyne ku-xigeenka Puntland C/xakiim C/llaahi Cumar ayaa maanta tababarkan ka furay magaalada Garoowe loogu qabanayo saraakiisha ciidanka booliska ee Puntland.

9/15/2014 4:31 AM EST
Isniin, September 15, 2014 (HOL) — Buug cusub oo ciwaan looga dhigay (XADKA RIDDADA MAXAA KA RUN AH) isla markaasna lagu soo koobay qoraalo ka hadlaayo xadka riddada, qeexitaana ku sameynaayo ayaa shalay lagu soo bandhigay magaalada Nairobi.

9/15/2014 4:14 AM EST
Isniin, September 15, 2014 (HOL) — Doonni sidday 250 tahriibayaal Afrikaan ah ayaa la sheegay in ay ku dagtay xeebaha Liibiya,taasi oo ku wajahnayd Talyaanniga, iyadoo in badan oo kamid ah dadkii doonida saarnaa ay badda ku nafwaayeen.

9/15/2014 3:45 AM EST
Isniin, September 15, 2014 (HOL) — Sheriff Rich Stanek oo ah madaxa ammaanka, bad-qabka iyo asluubta deegaanka Soomaalida ee Hennepin ee Magalaadda Minneapolis ayaa shalay taageero weydiistay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota, isagoo ka codsaday inay u codeeyaan doorashada bisha November.

9/15/2014 3:19 AM EST
Isniin, September 15, 2014 (HOL) — Shalay waxaan halkan kusoo gudbinnay warbixin ku saabsan haween Soomaaliyeed oo sidii ay kufsi ugu geysteen askar ka tirsan AMISOM ka sheekeeyay, haddaba maanta oo Isniin ah waxaan idiin soo gudbinaynaa qaybtii labaad ee isla sheekadan.

9/15/2014 2:50 AM EST
Isniin, September 15, 2014 (HOL) — Siyaasi Cabdidaahir Maxamed Yuusuf Yey oo kamid ahaa murashaxiintii ka qayb galay doorashadii madaxtinimada Puntland 2014, ayaa sheegay inay waajib tahay in qorshe cad laga yeesho soo celinta dhulka Puntland ka maqan iyo weliba daandaansiga joogtada ah ee Maamulka Somaliland uu wado, waa sida uu hadalka u dhigaye.