4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 15, 2014
Haween Soomaaliyeed oo ka sheekeeyay kufsigii Askarta AMISOM (Q: 2-AAD)


Isniin, September 15, 2014 (HOL) — Shalay waxaan halkan kusoo gudbinnay warbixin ku saabsan haween Soomaaliyeed oo sidii ay kufsi ugu geysteen askar ka tirsan AMISOM ka sheekeeyay, haddaba maanta oo Isniin ah waxaan idiin soo gudbinaynaa qaybtii labaad ee isla sheekadan.

Gabar magaceeda ku sheegtay Kassa oo 19-jir ah ayaa HRW u sheegtay in ay iyadu si caadi ah galmo ula sameyso ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, ayna doonayso oo keliya cunno iyo lacag.

Kassa waxay sheegtay in maalin maalmaha ka mid ah ay dirireen askari ka mid ah kuwa AMISOM, kaddib markii uu jidka ku taataabtay, taasoo iyada ka careysiisay ayna ku wayday mid ka mid ah ilkaheeda. Waxaan ka baqay inuu i toogto.

Deeqo oo iyadana reer Muqdisho ah ayaa tiri iyadoo u warramaysay HRW. “Anigoo ku jira faylka dad sugayay dawo ayaa waxaa ii yimid turjubaan u shaqeya AMISOM, wuxuuna ii sheegay inuu i barayo sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Burundi, kaasoo i caawin doona.”

Iyadoo sii hadlaysa ayay tiri. “Wuxuu i siiyay lambarka taleefoonka sarkaalka wuxuuna igu yiri orod oo soo xiro dhar qurxoon. Markaas kaddib ayuu i baray sarkaalkii Burundiga ahaa, wuxuu ahaa nin ay da’diisu 40 illaa 50 sano u dhexeyso, dabadeedna wuu nooga baxay qolkii.”

Si khasab ah ayay sheegtay in sarkaalku uu ugu galmooday, markii dabtiisa uu bogtayna uu siiyay lacag 10 doollar ah, dawo iyo xoogaa cunno ah, mar alla iyo markii aan kasoo baxay goobta waxaan arkay bay tiri lix dumar ah oo da’doodu u dhexeyso 15 illaa 24 jir, kuwaasoo iyagana u diyaarsanaa in la kufsado.

HALKAN KA AKHRISO QAYBTII HORE EE SHEEKADAN:

Gabar 12-jir ah oo reer Baydhabo ah, balse aan magaceeda la sheegin ayaa waxaa kufsaday askari u dhashay dalka Uganda oo qayb ka ah AMISOM, iyadoo hooyadeed ay u sheegtay HRW in dhaawac xun gabadheeda loo geystay.

“Gabadheydu waxay xirnayd saako iyo surweel jeenis ah, si khasab ah ayuu labadaba uga siibay wuuna kufsaday. Wuxuuna si xun dhaawac ugu geystay qaybta taranka, wuu kala dillaaciyay. Waxaana u maleynayaa inuu dilaacinta xubinta taranka u adeegsaday middi, xaaladeeduna waa mid aad u daran,” ayay tiri hooyada dhashay gabadhan oo magaceeda la qariyay sababo amni awgeed.

Hooyada gabadha dhashay ayaa sheegtay inaysan garanayn askariga dhibka u geystay gabadheeda. Iyadoo xustay in dadku ay ku qoslaan gabadheeda markii ay dibadda uga soo baxdo guriga, ayna ku yiraahdaan waa gabadii la kufsaday.

“Kufsigan wuxuu dhaawac weyn u geystay sharafta qoyskeenna. Mar walba gabadheydu waxay igu tiraahdaa hooyo waxaa ceebtan iiga wanaagsanaan lahayd inaan iska dhinto, waayo cid walba waxay ii arkaysaa inaan ahayn gabar kufsiga u bareertay, mana dareemayaan xanuunka qalbiga ah ee i haya,” ayay hooyadu hadalkeeda ku dartay.

Ciidamada AMISOM oo ka socda lix dal oo Afrikaan ah ayaanay ahay markii ugu horreysay oo lagu eedeeyo inay kufsi geystaan, waxaana inta badan lagu eedeeyaa kufsiga ciidamada ka socda dalalka Burundi iyo Uganda oo ah kuwii ugu horreeyay ee Soomaaliya yimaada.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya