4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 15, 2014
C. Daahir Yey: "daandaansiga S/land sax maaha in hadal bes looga jawaabo"

Isniin, September 15, 2014 (HOL) — Siyaasi Cabdidaahir Maxamed Yuusuf Yey oo kamid ahaa  murashaxiintii ka qayb galay doorashadii madaxtinimada Puntland 2014, ayaa sheegay inay waajib tahay in qorshe cad laga yeesho soo celinta dhulka Puntland ka maqan iyo weliba daandaansiga joogtada ah ee Maamulka Somaliland uu wado, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Yey oo isagoo magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka ku sugan warbaahinta maxalliga ah ee Puntland la hadlay, wuxuu soo dhoweeyey shirweynaha looga arrinsanayo xaaladda gobolka Sool ee Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas uu horay u iclaamiyey, wuxuuse nasiib darro ku tilmaamay in ilaa iyo hadda Dowladda Puntland aanay si cad u qeexin qorshaheeda ku aaddan dhulka ka maqan.

"wixii siyaasad ah iyo wadaxaajood waa arrin wanaagsan, balse weerarrada Somaliland ay ku hayso dhulka Puntland uma baahna in shir lala sugo ama hadal loogu jawaabo, waa arrin mudan ficil toos ah, isku haynta dadka iyo difaaca Puntland-na waa waajibaad dawladeed iyo waajibaad shacab oo uu qeexayo dastuurka dawladda Puntland" Cabdidaahir ayaa sidaas yiri.

Ugu dambeyntii wuxuu baaq u jeediyey beesha caalamka, isagoo ku boorriyey in si aad ah looga fiirsado dhismaha maamullada cusub ee federaalka oo sida uu sheegay dhibaato hor leh abuuri kara, haddii dhismahooda sife aan sharci ahayn loosoo maro.

"sida igu maqaalo ah qorshuhu waxa uu yahay in Puntland loo kala jaro saddex qaybood oo kala ah gobolka Mudug iyo Galgaduud oo la israacinayo, gobollada SSC oo la is raacinayo,iIyo Puntland inteeda kale... waa arrin u baahan in si dhab ah loo baaro oo Puntland ka gasho u diyaar-garow fiican..." ayuu yiri.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markii la doortay kaddib sheegay in soo celinta dhulka Puntland ka maqan ay waajib dastuuri ah tahay, haseyeeshee loo marayo qaabka ugu fudud uguna munaasibsan.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya.