4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 11, 2014
Madaxweynaha Somalia oo shaaciyay inuu yahay Murashax ka qaybgalaya doorashada Madaxnimo ee Sannadka 2016-ka


Khamiis, September 11, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud ayaa caawa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu yahay murashax u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya marka la gaaro 2016-ka.

Xasan Sheekh ayaa hadalkan ka sheegay barnaamij dood ah oo uu kaga hadlayay wixii u qabsoomay dowladda uu madaxda ka yahay labadii sano ee ay jirtay, dooddaas oo uu soo qaban-qaabiyay machadka Heritage, isagoo sidoo kalena kaga jawaabay su’aalo shacabku ay weydiinayeen kuwaasoo ku saabsanaa waxyaabihii u qabsoomay dowladdiisa iyo kuwa ay higsanayso.

Madaxweynaha ayaa la weydiiyay su’aal ahayd inuu mar kale xilka uu hayo isku soo sharraxayo marka la gaaro sannadka 2016-ka iyo haddii xilka looga guuleysto inuu diyaar u yahay in khibraddiisa uu ku biiriyo muwaadinka la doorto ayaa ku jawaabay.

“Haa… waxaan ahay murashax u taagan xilka madaxweynenimada sannadka 2016-ka oo ay dhici doono doorasho. Haddii doorashadaas la iiga guuleysato waxaa diyaar u ahay inaan shakhsiga la doorto ku caawiyo wixii khibrad ah.” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh oo ku celiyay inuu ka mid yahay murashaxiinta xilka isku soo taagaya.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan ayaa wax laga weydiiyay kufsiga AMISOM lagu eedeeyay iyo go’aanka dowladda, isagoo kaga jawaabay innaanay taasi marnaba farxad-gelinayn, xukuumadduna ay weydiisatay AMISOM in jawaab cad ay ka bixiso falkaas lagu eedeeyay, ayna hadda socdaan baaritaanno ku saabsan arrintaas.

Waxaa kaloo wax laga weydiiyay bixitaanka ciidamada AMISOM oo ay horay u sheegeen madaxdooda inay baxayaan sannadka 2016-ka marka ay dalka ka dhacdo doorasho kaddib ayaa ku jawaabay.

“AMISOM mar walba dalka way ka bixi lahayd, hase ahaatee joogitaankeeda xilligan waxaa keeny duruufo xagga amniga ah iyo in Somalia ay gabbaad u noqoto argagixisada, iyadoo dalkeennuna uu noqday meel duulaanno looga qaado dalalka deriska ah, iyagoo kooxahani ay doonayaan inay baabi’iyaan taariikhda Soomaaliya iyo shacabkeeda.”

Madaxweyne Xasan ayaa soo hadal qaaday waxyaabihii u qabsoomay labadii sano ee lasoo dhaafay dowladda uu hoggaaminayo, wuxuuna muujiyay inuu rajo ka qabo in labada sano ee soo socota ay gaaraan yoolka ay doonayaan in dalka ay gaarsiiyaan; ayna howlo badan qaban doonaan.

Xasan Sheekh ayaa sheegay inaanay marnba raali ka ahayn in si sharci-darro ah ay shirkado shisheeye ah uga sameeyaan Soomaaliya baaritaanno dhinaca shidaalka ah, isagoo xusay inaanay shirkad aan fasax u qabin inay shidaal baaris ka sameyso dalka aanay howlgeli karin.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya oo ka jawaabayay su’aal kale oo ku saabsanayd arrinta ku saabsan muranka badda, ayaa sheegay in Kenya ay qayb ka mid ah badda Soomaaliyeed calaameysatay ayna doonayso inay goosato, isagoo xusay in arrintaas ay dacwad ka gudbiyeen, wuxuuna qiray in haatan ay badda lagu muransan yahay ka socdaan baaritaanno shidaal.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya