4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 11, 2014
Labada xisbi Mucaarad oo Qaadacay Diiwaan-gelinta ay Xukuumaddu Waddo


Khamiis, September 11, 2014 (HOL) — Xisbiyadda mucaaradka ayaa maanta sheegay in ay qaadaceen diiwaangelinta madaniga ee xukuumaddu qabanaysay.

Labadda xisbi mucaarad oo kulan ku yeeshay xafiiska xisbiga wadani ayaa si adag uga soo horjeestay diiwaangelinta Madaniga ee baryahan ay wadday xukuumaddu, taas oo ay sheegeen inay xukuumaddu danno kale ka rabto diiwaangelintaasi.

War-murtiyeed ay sida wada jir ah usoo wada saareen labada xisbi mucaarad (UCID iyo WADANI) oo ay ku saxeexan yihiin gudoomiye ku xigeenka xisbiga UCID Cali Yuusuf (Cali Guray) iyo gudoomiye ku xigeenka xisbiga WADANI Axmed Mumin Seed oo ay ku garnaqsanayeen sida aanay raali uga ahayn diiwaangelinta madaniga ah oo ay sheegeen inay carqalad ku tahay doorashooyinka soo socda, ayaa iyadoo dhamaystiran waxay u qornayd sidan: “Sadexda Xisbi Qaran (KULMIYE, WADDANI IYO UCID), wasaarada arimaha gudaha iyo komishinka doorashooyinku waxay wada saxeexeen  heshiiska 2 bog ka kooban kuna tariikhaysan 11.7.2013 oo loo diray beesha caalamka nuxurkiisuna ahaa laba diiwaan gelinood oo kala madax banaan  sidaana beesha caalamku ku ogolaatay inaguna hanbalyaysay heshiiska iyo isu tanaasulka Somaliland kaga horayso dalal badan oo dunida ah

Waxaa kale oo sadexda xisbi, wasaarada Arimaha gudaha iyo komishanku kala saxeexdeen heshiis     3bog ka kooban kuna tariikhaysan 18.9.2013 nuxurkiisu ahaa diiwaangelinta codbixiyaha iyo diiwaan gelinta muwaadanka oo dhamays tiran  laguna kalsoonaankaro, kalana madaxbanaan oo aanay jirin wax xidhiidha oo ka dhexeeya laguna maamulo 2 xeer oo kala duwan xeer 37/2007 xeerka codbixiyaha iyo xeer cusub oo xukuumadu curiso, sidaana beesha caalamku inoogu ogolaatay dhaqaale dhan 10,000,000 toban milyan oo aynu ku qabsano diiwaangelinta codbixiyaha si doorashada 2015 ku inoogu qabsoonto.

Waxaa Madaxweynaha J/Somaliland qoray (Ref:RSL/P/EU/260-2155/112013 kalsooni uu u diray beesha caalamka oo uga mahad naqayo dhaqaalaha ay ku bixinayaan diiwaangelinta codbixiyaha isaga oo si cad u tilmaamaya in ay sida qudha ee doorasho xor ahi  inoogu qabsoomi karto 2015 ay tahay in aanu helo diiwaan gelin codbixiye oo madax banaan sida ugu dhakhsaha badan.

Waxa kaloo safiirka ingiriiska Mr Neil Wagan isagoo ka wakiil ah deegbixiyaasha (DSC) naga caawiya arrimaha doorashooyinka shaly arbacadii  09/09/2014 u soo diray Wasiirka madaxtooyada, komishinka Qaranka, 3 Xisbi Qaran iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, warqad nuxurkeedu ahaa in la ixtiraamo laguna dhaqmo dhamaan heshiisyada kor ku xusan ee beesha caalamku goobjooga ka ahayd doorashooyinkuna xiligooda qabsoomaan.

Waxay Beesha caalamku u soo qortay madaxweynaha jawaab mahad naq iyo bogaadin isugu jirta isla markaana ay balan qadeen in ay inaga cawinayaan dhinaca dhaqaalaha iyo farsamada diiwaangelinta codbixiyaha si doorashada 2015 inoogu qabsoonta  (Ref:RSL/P/EU/260-2155/112013)

Waxay beesha caalamku dhaqaale ku bixisay xog ururintii diiwaangelinta codbixiyaha, waxay kale inoo soo dirtay khuburo qaaday tajriibadii qalabka diiwaangelinta codbixiyaha, waxay kale oo bixisay qandarasyadii diiwaan gelinta codbixiyaha, waxay diyaariyeen in diiwaangelinta codbixiyuhu bilaabanto   october 2014.

Muwaadin waxay xukuumada Somaliland burisay dhamaan heshiisyadii ay saxeexday, kalsooni siintii madaxweynaha ee beesha caalamka iyo balamadii dhexmaray Somaliland oo isu dhan iyo beesha caalamka oo diyaarisay dhaqaalihii iyo farsamadii lagu qaban lahaa diiwaangelinta codbixiyaha halkaana aynu ku kasbanay sumcad xumo iyo in aynu ku waayi karno kalsoonidii iyo tageeradii dhaqaale ee beesha caalamka , hadii aan go,aan deg-dega la gaadhin SEP 2014 oo ah in lakal saaro 2da xeer ee kala ah xeerka diiwaangelinta codbixiyaha oo ah ka keliya ee beesha caalamku ku bixinayso dhaqaale iyo xeerka diiwaangelinta muwaadanka ee hada lagu ururiyey teensaro minishiibiya caqabadna ku ah doorashada 2015 iyo in aan dib laynoo aaminin.

Sidaas darteed waxay labada Xisbi UCID IYO WADDANI  go,aansadeen inay si midaysan u qadaceen, waxa loogu yeedhay diiwaan gelinta medeniga ah balse ah TEENSARO (ID) waxaanu dhamaan shacabka Somaliland degmo kasta iyo gobolkasta ugu baqaynaa in aan laqaadan waxaa loogu yeedhayo aqoonsiga ee loogu sheegayo Diiwangalinta madaniga iyada oo aan ahayn.

Waxay maanta xukuumada dhexe u faro gelisay waa in lagu carqaladeeyo doorashooyinka wakhtiga diiwaangelinta codbixiyahana lagu rido si mudo kordhin loo helo iyada oo aanay jirin cid danaynaysa caqabada ay ku tahay ictiraaf raadinta iyo geedi socodka dimuqraatiyada Somaliland. Waxaanu kale oo shacabka u sheeygaynaa in aanay jiri doonin wax mudo kordhin ah oo hadii doorashooyinku dhici waayaan (Madaxwaynaha iyo Barlamaanka) june 2015, in la dhisi doono dawlad ku meelgaadha oo Xisbiyada Qaranku u dhanyihiin. anaga oo xukuumada ugu baqayna in aanay wakhitiga iska ridin dalkana foodo iyo xasilooni daro u horseedin ee ay dhamaystiraan sidii doorashooyinku ugu dhici lahaayeen wakhtigoodi.”

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland