4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 11, 2014
Prof. Jawaari oo Sheegay in la Qabanayo Shir dib u Heshiisiineed (SAWIRRO)


Khamiis, September 11, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta ka hadlay shir ka dhacay magaalada, isagoo sheegey in la sameynayo shir dib u heshiisiin ah, kaasoo dhici doono 14-ka bishaan, isagoo si aad ah uga hadlay sidii la isugu keeni lahaa dhammaan dhinacyada isaga soo horjeeda maamul u sameynta gobollada Koonfur-galbeed.

Shirkan ayaa waxaa ka qaybgalay golaha guurtada Koonfur-galbeed, iyadoo shirkan muhiimaddiisa ay ahayd in lagu mideeyo maamulladii horay looga dhigay Baydhabo oo weli u muuqda kuso iska soo horjeeda.

“Muhiimadda shirkan waa in la mideeyo dhinacyada Koonfur-galbeed iyo in laga hortago wax walba oo sababi kara gacan ka hadal,” ayuu yiri Jawaari oo ugu baaqay shacabka Baydhabo iyo madaxdooda inay nabadda ilaaliyaan.

Baydhabo ayaa waxaa weli ka socda dibadbaxyo looga soo horjeedo in laga dhiso magaaladaas maamul saddex gobol ka kooban, kaasoo qorshihiisa ay muddo soo wadday dowladda federaalka Soomaaliya.

Xaalad kacsan ah ayaa ka jirta Baydhabo, iyadoo ammaanka magaaladana si aaad ah loo adkeeyay, taasoo ay gacan weyn ka geysanayaan ciidamada ka socda Itoobiya ee qaybta ka ah AMISOM.

Hiiraan Online, Baydhabo