4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 11, 2014
Xoogsatada Dekedda weyn ee Muqdisho oo ka cabanaya shaqo la’aan haysata


Khamiis, September 11, 2014 (HOL) — Boqolaal ka tirsan xoogsatada dekadda Muqdisho xubinna ka ah isu-tagga urur-weynaha shaqaalaha Soomaaliyeed ayaa isugu soo baxay bannaanbax ka xoogsatada dekadda Muqdisho, kuwaasoo watay boorar ay ku xardhan yihiin hal-ku-dhigyo ay ka mid yihiin waa shaqeysanaaye yaan shaqo la’ aan nala dhigin.

Xoogsatadan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin in iyagoo shaqo haysta shaqo la’aan la dhigo iyo inay cabasho  ka yihiin shirkadda Turkiga ee ALBARAK, taasoo ay dowladda Somalia ku wareejisay dekadda Muqdisho.

Guddoomiyaha isu-tagga ururweynaha shaqaalaha Soomaaliyeed, Maxamed Cismaan Xaaji oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in shaqo la’aanta ka jirta ee haysata dhallinyarada Soomaaliyeed ay noqotay dhibaato weyn, taasoo dhallinyarada ku qasbaysa inay isaga haajiraan dalka ama ay ka qayb-qaataan burcad-badeednimo iyo falal dambiyeedyada kale ee dalka ka jira.

Sidoo kale, Maxamed Cismaan ayaa sheegay in haddii ay dhacdo in shaqaale shaqeysanaya shaqo la’aan laga dhigo taas ay suuro-gal ka dhigeyso inay sii kordhaan falal dambiyeedyada ay dhallinyaradu galaan.

Isu-tagga ururweynaha shaqaalaha Soomaaliyeed wuxuu soo dhaweynaa heshiis kasta oo lagu hormarinayo shaqaalaha Soomaaliyeed oo ay wada-galaan dowladda Soomaaliya iyo shirkaddo shisheeye, balse waxaan kasoo horjeednaa in shaqo la’aan la dhigo dad isugu jiro dhallinyaro iyo kuwa waa-weynka ee hadda shaqeynaya.

Dalka Soomaaliya oo muddo 20-sano ka badan dowlad la’aan ahaa kana mid ah dalalka dunida ugu saboolsan ayaa dhibaatooyinkii ugu waaweyn waxaa ka mid ah shaqo la’aan baahsan maadaama ay aad u yar yihiin fursado looga heli karo shaqo.

Baaga-muudada oo ah aafo ama dhibaato si weyn u saamaysay guud ahaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ayaa si gaar ah u taabatay da’yarta Soomaaliyeed haba ugu darnaatee kuwooda wax bartay maadaama ay dhaxalsiisay niyad-jab iyo inay ka rajo dhigaan yoolal ay hig-sanayeen si ay noloshooda u horumariyaan.

“In badan oo ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed wiilal iyo gabdho uma suuro-gasho inay waxbarasho helaan sababo shaqaale xumo awgeed, sidaas darteed isu agga ururweynaha shaqaalaha Soomaaliyeed ayaa ah kan keliya ee u dhaqdhaqaaqa xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed, waxayna si aad ah walaac uga muujinayaan ugana xun yihiin in dawladda Soomaaliyeed ay ka war-qabi weyso xaaladda shaqaalaha Soomaaliyeed kuna dhiiri-galin wayso shirkadaha dalka maal-gashanaya inay kala shaqeeyaan ururka shaqaalaha sidii loo ilaalin lahaa xuquuqda shaqaalaha iyo horumarinta xirfadaha kala duwan ee shaqaalaha u baahan yihiin sida ku cad xeerarka caalamiga ah u degsan hay’adda shaqaalaha ee Qaramada Midoobey (ILO),” ayaa lagu yiri qoraal uu ururka shaqaaluhu soo saaray.

Ugu dambeyn, wuxuu ururku ka codsaday dowaldda inay ku cadaadiso  shirkadaha shisheeye inay dhowraan xuquuqda shaqaalaha iyo inay dowladda soo dada-jiso sharcigii shaqaalaha oo haatan baahi badan loo qabo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya