4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 11, 2014
Shacabka ku nool Degmada Jalalaqsi oo Dalbanaya in Gar-gaar lala soo gaaro

Khamiis, September 11, 2014 (HOL) — Maamulka degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan oo ka mid ah deegaannadii dhawaan laga saaray Al-shabaab ayaa sheegay in xaalad nolaleed  uu aad u liidata soo food saartay dadka ku dhaqan degmada oo mudo dheer aan wax gargaar ah halin.

Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi Max’ed Axmed Geni  ayaa sheegay in nolasha dadka ku dhaqan degmada iyo deegaannada hoostaga saameyn adag ku yeellatay  abaarta ka jirta qeybo ka mid ah dalka kaddib markii Al-shabaab mudadii ay gacanta ku hayeen iska hortaageen sidda uu hadalka u dhigay wax kasta oo gargaar ah oo ay heli lahaayeen dadka dhibaateysan.

“Dadka intooda badan waa beeraley, xoolo dhaqatana waa ay jiraan, mudadii ay Al-shabaab gacanta ku hayeen degmada iyo deegaannada hoostaga dadka waxaa ka lumay aas-aasiyaadkii nolasha oo idil, wax gargaar ah oo ay helleenna ma jirto,’’ ayuu yiri guddoomiyaha.

Waxaa uu dhinaca kale sheegay in goobihii adeega bulshada degmada dhamaanba baaba’san yihiin, una baahan yihiin in dib loo soo unko, gaar ahaan waxaa uu farta ku fiiqay adeega caafimaadka oo ah mid aad u liita.

Degmada Jalalaqsi waxaa dhawaan kala wareegay Al-shabaab ciidammada dowladda Soomaaliya oo gacan militari ka hellaya kuwa midowgga Africa AMISOM, waxaana muuqata in wali degmada ay ku jirto xaalad militari.

Ugu  danbeyntii, guddoomiyaha ayaa ka dalbaday dowladda Soomaaliya iyo hay’addaha samafalka intaba in sidda ugu dhaqsiyaha badan gargaar loola gaaro dadka ku dhaqan degmada Jalalaqsi, madaama ayuu sheegay xiligan haddii loo baahdo gargaarka si toos toos ah loo geyn karo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya