4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 8 , 2014
Xujey Soomaaliyeed oo ku Geeriyooday Xajkii Sannadkan 2014-ka (SAWIRRO)


Arbaco, Oktoobar 08, 2014 (HOL) — Ugu yaraan saddex xaaji oo Somali ah ayaa siyaabo ala duwan ugu dhintay intii lagu jiray gudashasa Xajka ee sannadkan, iyadoo Sucuudigu ay sheegtay in khasaaraha ka dhalan jiray xajka uu aad uga yar yahay sannadihii hore.

Xukuumadda Saudi Arabia ayaa sheegtay in xajka ay kasoo qaybgaleen tiro ka badan laba milyan oo muslimiin ah, ayna xil weyn iska saartay sidii loo yareyn lahaa khasaarooyinka ka dhasha ciriiriga dawaafka Kacbada iyo sidoo kale dhagax-tuurka, iyadoo ay xujeyda hagayeen ciidammo gaar ah Xajka loo diyaariyay.

Sanadkan waxaa qayb weyn ka qaatay yareynta ciriiriga iyo safarada loo kala aado Carafa, Mina iyo Xaramka tareen dadka u daad-gureeya si ay cibaadadooda u soo gutaan, kaasoo aan horay u jirin.

Dalka Soomaaliya waxaa sannadkaan ka xajiyay in ka badan 7,000 oo qof oo ka kala yimid dhammaan 18-ka gobo lee Somalia ay ka kooban tahay, iyagoo howl-wadeennada xujeyda ay sheegeen in sadex xujey Soomaaliyeed ah ay siyaabo kala duwan ugu dhinteen Makkah intii xajku socday.

Sidoo kale, waxay xuseen inay xujey kale ay dhaawacyo iyo jabniin ay kasoo gaareen is-buurashadii iyo ciriirigii dhagax-tuurka, dawaafka Kabcada iyo jidka dheer ee u dhaxeeya Carafo iyo Mina.

Waajibka Xajku waa cibaado u baahan in qofka muslimka ah ee awood uu soo guto hal mar inta uu nool yahay, iyadoo qofka xajinaya uu masaafo dheer soconayo, uuna goobaha qaarkood kala kulmo ciriiri is-buurasho, iyadoo inta ugu badan ay dadka waayeelka ah dibaato la kulmaan.

Danka kale, sanadkaan cabsi laga qabay in cudurro ka dilaacaan Mina iyo Mus-dalifa oo la dagaannaado shan maalmood ah ayaan dhicin, balse waxaa jirtay dadka qaarkood uu ku dhacay hargab. Iyadoo in ka badan 150 Xujey ah ay wada-dagaan hal teendho inta la joogo Mina iyo Musdalifa.

Talaadadii shalay ayuu soo dhamaaday Xajka, iyadoo muslimiintii sannadkan soo xajisay ay billaabeen inay inay u kala safraan dalalkii ay ka yimaadeen iyagoo xujey ah. Waxaana dadkii sannadkan 2014-ka xajinayay ka mid ahaa madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno dowladda ka tirsan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya