4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 8 , 2014
Ururka IGAD oo dalbaday in dib loo dhigo dhageysiga dacwada Uhuru Kenyatta


Arbaco, Oktoobar 08, 2014 (HOL) — Urur goboleedka Bariga Afrika ee IGAD ayaa wey-diistay maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC inay dib u dhigto maxkamadeynta madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta.

Xoghayaha guud ee IGAD, Maxbuub Macallin oo hadal ka jeediyay dhageysiga dacwadda loo haysto madaxweynaha dalka Kenya oo maanta ka furantay xarunta maxkamadda ee The Hague ayaa ugu baaqay maxkamadda inay dib u dhigto maxkamadeynta Kenyatta illaa dhammaadka inta uu xilka hayo.

“Waxaan dhexda uga jirnaa dagaal xasaasi ah oo aan doonayno inaan uga adkaanno Al-shabaab iyo kooxaha kale ee argagaxisada ah, ammaanna ku soo celinno gobolka, innagoo ka hor-tageyna in cudurka xag-jirnimada uu ku faafo gobolka. Sidaas darteed, maxkamaddu waa inay aqbashaa codsigeena oo ay dib u dhigtaa dhageysiga dacwadda Uhuru, iyadoo dagaalka calaamiga ah ee aan ku jirno tixgelinaysa,” ayuu yiri danjire Macallin.

Sidoo kale, danjiraha ayaa sheegay in dadaal weyn uu gobolka oo dhan ugu jiro sidii uu nabad iyo amni looga dhigi lahaa dalalka Bariga Afrika iyo guud ahaan Afrika.

Danjiraha ayaa ku ammaanay madaxweyne Kenyatta sida uu u xushmeeyay sharciga iyo kala dambeynta, una aqbalay inuu yimaado maxkamadda ICC si uu u dhageysto doodda dacwadda loo haysto.

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto ayaa loo haystaa dambiyo ka dhan ah bani’aadamnimada oo Kenya ka dhacay intii u dhexeysa 2007 iyo 2008, markaasoo lagu murmay doorashadii madaxnimo ee dalkaas ka dhacday.

Kenyatta ayaa noqonaya madaxweynihii ug horreeyay caalamka oo hor-taga maxkamadda dambiyada caalamiga ah, si u uu dhageysto dacwooyin dhanka aadanaha ah oo loo haysto, isagoo xilkii si KMG-nimo ah ugu wareejiyay ku xigeenkiisa William Ruto.

Maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC weli wax jawaab ah kama bixin codsiga xoghayaha guud ee IGAD ee ku saabsan dib u dhigidda dhageysiga dacwadaha loo haysto Uhuru Kenyatta illaa dhammaadka inta uu xilka hayo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya