4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 8 , 2014
Jaaliyadda Puntland ee Finland oo dhaliilay qoraal uu soo saaray C/weli Gaas


Arbaco, Oktoobar 08, 2014 (HOL) — War-murtiyeed ay kasoo saareen shir ay guddoonka guud ee dalladda ururrada Puntland (DUPF) ee Finland ku yeesheen Sabtidii lasoo dhaafay xaruntooda Korppaanmäentie oo ku taalla Helsinki ayay ku dhaliileen habkii ay u qornayd wareegto xafiiska madaxweynaha Puntland kasoo baxday, taasoo lagu magacaabay wakiilka Puntland ee Finland.

War-murtiyeedka ayaa lagu sheegay in iyadoo la xoojinayo habka shaqada iyo iskaashiga ay kasoo horjeedaan qoraalka madaxweynaha oo ahaa bay yiraahdeen mid aan u qornayn sidii qoraal kasoo  baxay xafiis mas’uul sare.

“Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) xor ayuu u yahay inuu u soo magacaabo dalalka Yurub wakiil xukuumaddiis matala, laakiin waxaa xubnaha guddoonka guud ee DUPF kedis iyo lama filaan ku noqotay qoraalkii wareegtada ahaa ee xeerka madaxweyne kusoo baxday, lambarkeedu ahaa 131 ee soo baxday 24-kii Sebtembar 2014ka, kuna saabsan magacaabidda wakiilka Jaaliyadda Finland oo uu ku saxiixan yahay Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay DUPF.

Sidoo kale, waxaa war-murtiyeedkan Jaaliyadda lagu sheegay in DUPF oo ay xubin ka wada yihiin dhammaan qaybaha kala duwan ee reer Puntland ee ku nool dalka Finland sida, dhallinyaro, haween iyo odayaasha ay u go’aankaas uu madaxweynuhu qaatay u arkaan mid carqalad ku ah; wada-shaqeeynta, midnimada iyo is-kaashiga shacabka reer Puntland ee Finland degen. Waxay kala dhantaallaysaa hawlihii wax-qabad ee ay DUPF ku mideysnayd.

Guddoonka jaaliyadda ayaa waxay meel-ka-dhac iyo qiime dhac weyn ku tilmaameen in Dr. Maxamed Cabdi Ismaaciil (Baydhabo) oo hawlihiisii iyo xilkiisii shaqo loo gacan dhaafay.

Ugu dambeyn guddoonka DUPF waxay qoraalkooda ku xuseen dhowr qodob oo ay sheegeen inay la gudboon tahay Jaaliyadda reer Puntland ee Finland, kuwaasoo kala ah:

1. In go’aanka madaxweyne C/weli Gaas uu yahay mid uu ku deg-degay oo aan sinnaba dalladdu ugu cuntameyn;

2. In DUPF ay Dr. Maxamed Cabdi Ismaaciil (Baydhabo) ka raalli-gelinayso sida hawlihiisii loogu gacan-dhaafay;

3. In dalladdu dadaalkeedii waxqabad ee Puntland ku aaddanaa uu halkiisii kasii socon doono;

4. In DUPF ay garab iyo gaashaan u tahay, Cabdifataax Cabdullaahi Jaamac (Janna-gale), kuna dhiirri-gelinayso inuusan ka niyadjebin hawlihii tabaruca ahaa ee uu bulshadiisa u hayay, sidoodiinna kusii wado.

War-murtiyeedka Jaliyadda Puntland ee Finland ayaa wuxuu yimid kaddib markii uu madaxweynaha Puntland C/weli Gaas uu wakiilka Puntland ee dalalka Scandinavian-ka u magacaabay, Dr. Maxamed Cabdi Ismaaciil oo loo yaqaan (Baydhabo), sidoo kalena uu Cabdifataax C/llaahi Jaamac “Janagale” u magacaabay wakiilka Puntland ee Finland.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya