4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 8 , 2014
Cirro oo sharci-darro ku sheegay dib u celinta Xubintoodii Guddiga Doorashada


Arbaco, Oktoobar 08, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha golaha wakiilada ahna gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADANI Md:C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro ayaa sharci daro ku tilmaamay sababta madaxweynuhu dib ugu soo celiyey xubintii xisbigooddu soo xuley ee ka mid noqonaysay guddida doorashooyinka Qaranka.

Cirro xubintaasi dib loo soo celiyey waxa uu ku tilmaamay mid cadaalad daro ah, isla markaana kala jeclaaday xubnihii loo soo xulay inay noqdan guddida doorashooyinka.

“Madaxwaynaha somaliland waxa uu nagu war galiyay inaanu toddoba cisho Gudahood kusoo magacawno Laba Xubnood oo Madaxtooyada Somaliland Kala Doorato, Xeerkana waxa si cad ugu qayaxan inuu Xisbi Kasta oo Mucaarad ahi Soo magacaabo Xubin Kaliya, Golaha Guurtidana, Madaxwaynaha Somaliland waxa uu Iyana Faray in ay soo magacaabaan 4 Xubnood,Markaas Madaxwayne Waxaan ku leeyahay Ma Xeerka Ayaa sax ah Mise Wareeg tadaada ayaa sax ah waa Jawaab kuu taal inaad Bulshada Somaliland u faah-faahiso.”ayuu yidhi Guddoomiye Cirro oo jawaab ka bixinaya xubintii ay u gudbiyeen madaxweynaha ee uu soo xulay xisbigooddu oo madaxweynuhu dib ugu soo celiyey si ay usoo bedelaan.

“Xisbiga wadani Markii uu magacaabay Dr Maxamed Cismaan Fadal, Kamuu mid ahayd Xisbiga wadani,Dhamaana wuu buuxiyay shuruudihii looga baahnaa”ayuu raaciyey hadalkiisa.

“Madaxwaynaha waxaanu mar labaad ku celinay Markii uu Noo Cadayn waayay sababta uu usoo celiyay Dr Maxamed Cismaan Fadal,Waana uu naga qabtay,Hadana Marlabaad ayaa uu nagu soo celiyay,Warqada uu kusoo celiyayna waxa uu keenay Xarunta Baarlamaanka Somaliland oo aanay Cidi Joogin,Taas oo aanu Waxa Cudur Daar ah kusoo Qorin Waraaqda uu kusoo celiyayna, waxayna ahayd in xisbiga uu keeno”ayuu yidhi Guddoomiye Cirro madaxtooyadda ku dhaliilay inay khalad tahay in waraaq ku socota xisbi la geeyo xarun baarlamaan maadaama oo aanay khuseyn.

Guddoomiyaha golaha Wakiiladda ahna gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ahi Wadani Cirro ayaa sheegay in madaxweynuhu kala godobsaday xubnihii guddida doorashooyinka loo soo xulay qaarna ogolaaday hal qofna diiday, taasina ay tahay kala soocid muwaadiniinta ah, waxaanu yidhi “Madaxtooyada somaliland waxa laga filayaa inuu shacabka si cadaalada ah ugu xaqsoorto,Qodobka aad xubinta u adeegsatayna inaad xubnaha kale u adeegsato Ama si gaar ah Xubin aad u tagoorto waa laga qurux badan yahay,waxa loo baahan yahay in Xubinta la diidayo in sifo sharci ah loo diido,Xisbiga wadani waxa uu dhamaan soo dhawaynayaa Dhamaan Xubnaha Komiishanka doorashooyinka loo doortay,waxaana uu usoo jeedinaynaa in ay cadaalada ku dhaqaan shacabka iyo xisbiyada Mucaaradka ayaa la doonayaa.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweynaha ayaa dib ugu soo celiyay xisbiga WADANI oo ka mid ah xisbiyada mucaaradka ah, Maxamed Cismaan Fadal oo ay usoo xuleen inuu ka mid noqdo guddida doorashooyinka, taas oo ay si weyn uga biyo diideen xisbigaasi kuna tilmaameen cadaalad daro.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland