4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 8 , 2014
Siilaanyo oo Hargeysa kula qaabilay safiirka ururka Midowga Yurub ee Somalia


Arbaco, Oktoobar 08, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Midawga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Michele Cervone d'Urso oo uu wehelinaayey Ambassador  Ingiiriiska u qaabilsan Soomaaliya Mr. Neil Wigan.

Wasiir Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay in Madaxweynaha iyo Masuuliyiinta EU-du ka wada hadleen arimo ay ugu muhiimsan yihiin wakhtiga doorashooyinku dhacayaan iyo Guddida Madaxweynuhu u magacaabay Komishanka.

“Waxyaahaba ugu waaweyn eenu ka wada hadalay waxaa ka mid ahaa Doorashooyinka iyo wakhtiga ay dhacayaan iyo Dadka Cusub ee loo magacaabay Komishanka Doorashada oo ay aad ugu faraxsan yihiin inay dumarna ku jiraa.” Ayuu yidhi Maxamed Biixi Yoonis.

Waxaanu intaas ku daray “Waxa kale oo aanu ka wada hadlay Cilaaqaadka iyo Mashaariicda ay Midawga Yurub nala wadaan.Madaxweynaha iyo Safiirku waxay isla garteen in Doorashooyinku wakhtigoodii dhacayaan, Dadaal xoog lehna aanu samaynayno oo aanu ku dededaalayno in doorashadu wakhtigeedii dhacdo”

Sidoo kale, danjiraha Midawga Yurub u qaabilsan Somalia ayaa isna sheegay in kulanka Madaxweynaha uu la qaatay ay xoogga ku saareen sidii loo sii wadi lahaa hanaanka Dimuqraadiyadaynta iyo in wakhtigoodii ugu dhici lahaayeen. Waxa uu sheegay in Kulamo uu la yeeshay Xisbiyada qaranka, Warbaahinta iyo Bulshada rayidka ah islamarkaana ay ka go’an tahay in doorashada la qabto sanadka loo asteeyay ee 2015-ka.

Kulankan waxa madaxweynaha ku wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Arrimaha Dibeda Mudane, Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Mudane Xirsi Cali XaajI Xasan.

Dhinaca kale, madaxweyne Siilaanyo waxa uu shalay magaaladda Berbera tobabar ugu soo furay Ciidanka ilaalinta Xeebaha,  kuwaas oo ay tobabar iyo qalabaynba ku taageereen dawladda Ingiriiska.

Ka dibna madaxweynaha waxa qaddo loogu sameeyey markab dagaal oo uu leeyahay Ingiriiska kuwaas oo ah kuwa tobabara ciidamadda ilaaladda Xeebaha Somaliland.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland