4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 8 , 2014
Wafdi ka socday dalka Biritin oo Garowe kula kulmay Madaxweynaha Puntland

Arbaco, Oktoobar 08, 2014 (HOL) — Wafdi heer sare ah kana socday safaarada Ingiriiska ee Soomaaliya oo soo gaaray Garowe ayaa la shiray madaxweynaha Puntland Cabdi wali Maxamed Cali Gaas,iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen arimo muhiim ah sida lagu sheegay war ka soo baxay madaxtooyada.

Xubnaha la kulmay madaxweynaha waxaa hor kacayay Grant Calder oo ah la taliyaha arimaha siyaasadda safaaradda Ingiriiska ee Somaliya,iyadoo arimaha laga wada hadlay  ay ku jireen dimuqraadiyadda iyo in taageero lo fidiyo maamulka Puntland.

Horumarinta laamaha garsoorka ,furitaanta  nidaamka axsaabta badan iyo la dagaalanka kooxaha argagaxisada ah ayaa ku jiray waxyaabaha kulanka lagu soo hadal qaaday intii u socday .

Dhinaca kale wafdiga dowladda Biritin ayaa ka mahad-celiyay soo dhaweynta ay ka haleen madaxda maamulka ,waxaana ay sheegeen in Puntland ay wada shaqayn dhow la yeelan doonaan si hormariyo xiriirka labada dhinac.

Ugu danbayntii warka ka soo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay in dowlada Ingiriiska ay maamulka Puntland  sidoo kale ka caawin doonto tababaridda qaybaha kala duwan ee ciidamada gaar ahaan laamaha booliska,waxaana madaxweynaha uu booqashdan ku tilmaamay mid loo baahnaa.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]