3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 8 , 2014
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia oo sheegay in la xiray Safaarado dhowr ah

/images/gallery/201473163542400908938773010304978_1444910565783140_5433306964170990930_n.jpgArbaco, Oktoobar 08, 2014 (HOL) — Iyadoo xukuumadda Somalia ay horay u sheegtay in la yareynayo safaaradaha ay Somalia ku leedahay dalalka dibadda qaarkood, ayuu wasiirka arrimaha dibadda Somalia, Cabdiraxmaaan Ducaale Bayle uu maanta ka dhawaajiyay in la xiray safaarado dhowr ah oo ay ku lahayd Somalia dalalka caalamka qaarkood.

C/raxmaan Bayle ayaa xusay in golaha wasiirradu ay horay isugu raaceen in lasoo xiro sagaal safaaradood oo Somalia ay calaamka ku lahayd, safaaradaha sii shaqeynaya lagu soo koobo 31-safaaradood oo keliya, waana lasoo xiray intii la go’aamiyay in la xiro.

“Waxaan ku guuleysannay inaan soo xirno sagaal safaaradood oo ay Soomaaliya ku lahayd dalalka caalamka qaarkood, waxaase jira kuwo aan jadwalka noogu jirin, kuwaasoo ku yaalla dalalka: Australia, Azerbaijan, kuwaasoo ay ka shaqeeyaan qof-qof warqado haysta,” ayuu yiri wasiirka.

Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay in safaaradaha soo haray ee sii shaqeyn doona lagu qaybsanayo habka awood-qaybsiga dalka, taasna ay heshiis lagu gaaray, lana waajin doono safaaradaha furnaanaya nidaamkaas.

Dalalka safaaradihii ay Soomaaliya ku lahayd lasoo xiray ayaa waxaa ka mid ah; Burundi oo ay ciidammo ka joogaan Soomaaliya iyo Jarmalka oo Jaaliyad Soomaaliyeed oo ka cararay dagaalladii dalka ay ku nool yihiin.

Xiritaanka safaaradahan ayay wasaaradda arrimaha dibaddu sabab uga dhigtay inaysan dowladdu bixin karin kharashaadka faraha badan ee ku baxa adeegyada safaaradahaas iyo shaqaalaha ka shaqeeya.

Tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya waxaa jiray dalal badan oo safaaradihii ay Soomaaliya ku lahayd ay iska sii shaqeynayeen xilli aanay dalka ka jirin wax dowlad ah.

Arrintan ku saabsan yareynta safaaradaha ay Somalia ku leedahay dalalka dunida qaarkood ayaa waxaa cabasho ka keenay Soomaalida dalalkaas ku nool, inkastoo dowladdu ay ku adkeysatay in dhaqaale yari awgeed aysan suuro-gal noqon karin inay sii shaqeeyaan safaaradahaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
10/8/2014 1:07 PM EST
Arbaco, Oktoobar 08, 2014 (HOL) — Ugu yaraan saddex xaaji oo Somali ah ayaa siyaabo ala duwan ugu dhintay intii lagu jiray gudashasa Xajka ee sannadkan, iyadoo Sucuudigu ay sheegtay in khasaaraha ka dhalan jiray xajka uu aad uga yar yahay sannadihii hore.

10/8/2014 12:16 PM EST
Arbaco, Oktoobar 08, 2014 (HOL) — Urur goboleedka Bariga Afrika ee IGAD ayaa wey-diistay maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC inay dib u dhigto maxkamadeynta madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta.

10/8/2014 12:08 PM EST
Arbaco, Oktoobar 08, 2014 (HOL) :- Madaxweeynaha maamulka Jubba Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta tababar usoo xiray askar gaareeysa ilaa 450 askari, kuwaasoo mudooyinkii ugu danbeeyay uu tababar ciidan uga socday deegaanka Qandal oo qiyaastii 20 km dhanka Koonfur galbeed kaga began magaalada Kismaayo.

10/8/2014 11:52 AM EST
Arbaco, Oktoobar 08, 2014 (HOL) — War-murtiyeed ay kasoo saareen shir ay guddoonka guud ee dalladda ururrada Puntland (DUPF) ee Finland ku yeesheen Sabtidii lasoo dhaafay xaruntooda Korppaanmäentie oo ku taalla Helsinki ayay ku dhaliileen habkii ay u qornayd wareegto xafiiska madaxweynaha Puntland kasoo baxday, taasoo lagu magacaabay wakiilka Puntland ee Finland.

10/8/2014 10:42 AM EST
Arbaco, Oktoobar 08, 2014 (HOL) — Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa noqonaya madaxweynihii ugu horreeyay oo hortaga maxkamadda ICC si uu u dhagysato dacwadaha dambiyo dhinaca bani’aadamnimada ah oo loo haysto.

10/8/2014 8:13 AM EST
Arbaco, Oktoobar 08, 2014 (HOL) —Madaxweynaha Puntland ayaa 12 agaasime usoo magacaabay 12 kamid ah wasaaradaha uu Maamulka Puntland ka kooban yahay.

10/8/2014 8:04 AM EST
Arbaco, Oktoobar 08, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha golaha wakiilada ahna gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADANI Md:C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro ayaa sharci daro ku tilmaamay sababta madaxweynuhu dib ugu soo celiyey xubintii xisbigooddu soo xuley ee ka mid noqonaysay guddida doorashooyinka Qaranka.

10/8/2014 7:32 AM EST
Arbaco, Oktoobar 08, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Midawga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Michele Cervone d'Urso oo uu wehelinaayey Ambassador Ingiiriiska u qaabilsan Soomaaliya Mr. Neil Wigan.

10/8/2014 7:27 AM EST
Arbaco, Oktoobar 08, 2014 (HOL) — Axaddii lasoo dhaafay ayay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM la wareegeen degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose, halkaasoo saldhig weyn u ahayd Al-shabaab.

10/8/2014 5:51 AM EST
Arbaco, Oktoobar 08, 2014 (HOL) — Wafdi heer sare ah kana socday safaarada Ingiriiska ee Soomaaliya oo soo gaaray Garowe ayaa la shiray madaxweynaha Puntland Cabdi wali Maxamed Cali Gaas,iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen arimo muhiim ah sida lagu sheegay war ka soo baxay madaxtooyada.

10/8/2014 3:01 AM EST
Arbaco, Oktoobar 08, 2014 (HOL) — Ra’iisul waasaraha Somalia, C/weli Sheekh Axmed ayaa ugu baaqay dalalka dariska la ah Somalia inay amniga dalalkooda xoojiyaan, isagoo sheegay inay ka digtoonaadaan in Al-shabaab ay gudaha dhibaato ka geysato.

10/8/2014 2:32 AM EST
Arbaco, Oktoobar 08, 2014 (HOL) :- Hay’adda Somali relief Network of North America ayaa magaalada Kismaayo hilbo ugu qeeybisay dad gaaraya ilaa 750 qof oo curyaamiin ah, kuwaasoo ay aad u adkeyd xaaladooda dhinaca nolosha.