4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 21, 2014
Madaxweynaha Soomaaliya oo cafis u fidiyay sarkaal ku xukunaa xabsi daa’in

Arbaco, May 21, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa u fidiyay cafis taliyihii hore ee ciidamada asluubta Soomaaliya, Cabdi Maxamed Ismaaciil (Cabdi Dhuux) oo ay maxkamadi ku heshay inuu xiriir la lahaa Al-shabaab xabsi daa’in, iyadoo madaxweynaha Soomaaliya uu cafis u fidiyay sarkaalkaas.

Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi siinayay Universal TV ayaa ka hadlay sida uu ku sii daayay sarkaalkan oo muddo lix bilood iyo 15-maalmood ah ku jiray xabsiga dhexe ee Muqdisho, isagoo sheegay in sababo caafimaad uu cafiska ugu fidiyay.

“Awoodaha aan leeyahay ayaa waxaa ka mid ah inaan cafis fidin karo, sarkaalka waxaa cafiska ugu fidiyay xalaad caafimaad awgeed, waxaana cafiyay anigoo tixgelinaya codsiyo iiga yimid qoyskiisa,” ayuu yiri madaxweyne Xasan.

Sarkaalkan ayay maxkamadda xukunka ku ridday waxay ka xayuubisay darajadii ciidan oo ahayd jeneraal, iyadoo markii eedeyntiisa ay soo baxday uu dalka ka baxsaday, balse ay uu dib ugu soo laabtay ayna soo qabteen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Cabdi Dhuux oo dhankiisa la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu uga mahadcelinayo madaxweynaha Soomaaliya cafiska uu u fidiyay, isagoo aan soo hadal-qaadin caafimaad-darrada uu sheegay madaxweynuhu inuu cafiska ugu fidiyay.

“Anigoo ah taliyihii hore ee ciidanka Asluubta, Cabdi Maxamed Ismaaciil, waxaan madaxweynaha Soomaaliya uga mahadcelinayaa cafiska uu igu sii daayay. Anigu waxaan xabsiga ku jiray lix bilood iyo shan iyo toban casho, intii aan xabsiga ku jirayna ciidamada asluubta si wanaagsan ayay iila dhaqamayeen,” ayuu Cabdi ku sheegay hadalkiisa.

Tallaabadan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo uu madaxweynaha Soomaaliya cafis ugu fidiyo sarkaal ciidan oo la sheegay inuu xiriir la lahaa Al-shabaab, kaas oo ku xukunnaa xabsi daa’in.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya