4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 21, 2014
Ergayga Midowga Afrika oo Calaamka ka dalbaday in la Taageero Puntland


Arbaco, May 21, 2014 (HOL) — Ergayga Midowga Afrika ee arrimaha dalka Soomaaliya, Danjire Maxamed Saalax Anaadiif ayaa ugu baaqay beesha calaamka inay ka taageeraan maamul-goboleeedka Puntlnad dhinacyada ay doonayaan inay horumarrada ka sameeyaan.

Danjire Anaadiif oo ka hadlayay shir Puntland uga furmay deeq-bixiyeyaasha caalamka uga furmay maanta magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaas in caalamku uu si dhaqso ah uga gargaaro horumarinta meelaha ay sida gaarka ah u doonayaan, taasoo qayb ka qaadanaysa in Soomaaliya ay noqoto dal deggen.

Wakiilka ayaa markii ugu horreysay booqasho ku tagay Garoowe si uu xoogga u saaro arrimaha horumarinta Puntland, isagoo xusay in tani ay kaalin weyn ka qaadan doonto sidii salka loogu dhigi lahaa deggenaashaha Soomaaliya.

“Anigu waxaan dhiirri-gelinayaa horumarinta Puntland. Doorashadii horraantii sannadkan ka dhacday waxay caddeyn u ahayd horumarka ay Putland ku tallaabsatay, waxaana ugu baaqayaa Soomaalida oo dhan inay tusaale cad ka dhigaan Puntland,” ayuu hadalkiisa ku yiri dajire Anaadiif.

Isagoo ku hadlayay magaca guddoomiyaha ururka Midowga Afrika ayuu danjire Anaadiif sheegay in Midowga Afrika ay ka go’an tahay inay Puntland ka taageerto dhismaha ciidamada amniga, gaar ahaan taageero aan siinno ciidanka booliiska iyo kuwa milateriga si ay uga hortagaan weerarrada argagaxisada.

Shirka deeq-bixisyeyaasha iyo Puntland ayaa waxaa si rasmi ah u furay C/weli Gaas oo ah madaxweynaha Puntland, kaasoo ay ka qaybgalayaan wufuud ka kala socda dalalka deeqaha bixiya, bankiga adduunka iyo Qaramada Midoobay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya