4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 21, 2014
Dowladda Uganda oo sheegtay inay deegaan cusub ka Qabsadeen Al-shabaab

Arbaco, May 21, 2014 (HOL) — Ciidamada ka socda dalka Uganda ee AMISOM qaybta ka ah ayaa la sheegay inay kala wareegeen Al-shabaab deegaanka Koruyel oo 250-km u jira Muqdisho, sida uu maanta shaaciyay sarkaal sare oo u hadlay ciidamada Uganda.

Taliyaha ciidamada Uganda, Jen. Edward Katumba Wamala ayaa wariyeyaasha u sheegay in ciidamada Uganda ay dagaal uga qabsadeen Al-shabaab deegaankan oo ka tirsan gobolka Bay.

“Wiilasheennu howl wanaagsan ayay qabteen. Howsha ay Somalia ka wadaanna waan ku ammaanaynaa, waayo guushani ma ahan mid innaga keliya aan helnay, balse waa ay qayb ku leeyihiin shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Jen. Katumba.

Isagoo sii hadlay ayuu yiri: “Waan sii wadaynaa dagaalka cusub ee ciidamadeennu ka billaabeen Soomaaliya, waayo ciidamadeennu waxay qabaan tababar ku saabsan sidii ay ula dagaalami lahaayeen kuwa sida tooska ah aan u dagaalami karin.”

Sidoo kale, Katumba wuxuu sheegay in diyaarado dagaal oo aysan ciidamada ku sugan Soomaaliya ee AMISOM haysan darted ay dib u dhigtay in Al-shabaab laga qabso deegaannada ay kaga sugan yihiin Soomaaliya.

“Dabcan sababaha deegaanno badan loo qaban waayay waa iyadoo aan lagu taageerin ciidamada AMISOM diyaarado dagaal. Arrintan horay ayaan uga dal-bannay diyaarado dagaal Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay. Mar kale ayaan dalabkan u diraynaa. Waa codsi cusub waxaana rajeynaynaa inay kasoo jawaabi doonaan,” ayuu Jen. Katumba hadalkiisa raaciyay.

Waddanka Uganda ayaa waxaa uga burburay saddex diyaaradood oo kuwa qumaatiga u kaca ah dhulka buuraleyda ah ee dalka Kenya, kuwaasoo ku socday magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose bishii Ogoosto sannadkii 2012-ka.

Ciidamada Uganda ee Soomaaliya ku sugan ayaa waxay tiradoodu gaaraysaa 6,000 oo ka mid ah howlgalka Midowga Afrika ee AMSIOM, kuwaasoo dowladda Somalia ka caawiya dagaalka ay kula jirto Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya