4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 21, 2014
Shacabka Huriwaa oo ka cabanayo Amarro ka soo kala baxay Dowladda iyo...

Arbaco, May 21, 2014 (HOL) — Shacabka ku nool xaafadaha ay degmada Huriwaa ee gobolka Banaadira ayaa ka cabanaya maalintii labaad amarro iska soo horjeeda oo ay ka soo kala baxay dowladda Soomaaliya iyo Xarakada Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa ku amartay dadka degmada Huriwaa ku nool inay damiyaan nalalka lagu xiro guryaha iyo goobaha ganacsiga hortooda xilliyada habeenkii ah si ammaanka loogu ilaaliyo, iyadoo dowladduna ay u diiday shacabka in amarka kasoo baxay ay fuliyaan.

“Maanta iyo shalay degmada waxaa ka taagnaa dhibaatooyin kala duwan, kaddib markii Al-shabaab ay soo rogtay in nalalka la damiyo, halka ciidamada dowladda ay diideen in amarkaas ay shacabku fuliyaan,” ayuu yiri goobjooge ku sugan xaafadda xaafadda Suuqa Xoolaha.

Sidoo kale, goobjoogaha ayaa sheegay in ganacsiga degmada uu xiran yahay tan iyo shalay, ciidamada dowladduna ay ku jiraan gudaha xaafadaha, iyagoo dadka ku amaraya inay nalalka shidaan xilliyada habeenkii ah.

“Waxay Al-shabaab amar ku siisay shacabka xaafadaha degmada ku nool inay dambiyaan nalalka, haddii kalena ay toogan doonaan, shacabkuna way baqeen wayna damiyeen, balse amarka dowladda ayaa ku noqday caqabad kale,” ayuu hadalkiisa raaciyay goobjoogaha la hadlay warbaahinta.

Isagoo sii hadlaya goobjoogahan ayuu yiri in amarka Al-shabaab uu ka dhaqan-galay xalay iyo habeen hore xaafadaha degmada Huriwaa qaar ka mid ah ayna shacabku yihiin digsi labada dhinac ka gubanaya.

“Dowladda iyada ayaa laga doonayaa inay shacabka ka celiso kuwa amarka ku siinaya inay nalalka dambiyaan, maantana shacabkii ganacsatada ahaa waa loo diiday inay ganacsigooda furtaan, xaalad adag ayaana degmada ka jirta,” ayuu hadalkiisa ku daray goobjoogaha.

Xaafadaha degmada Huriwaa ayaa waxaa maanta ku sugan ciidammo badan oo ka tirsan kuwa dowladda kuwaasoo amar ku siinaya shacabka inaysan amarka kasoo baxay Al-shabaab, ciddii fulisana ay sharciga la tiigsanayaan.

Huriwaa oo ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir ayaa xilliyada habeenkii ah awood ku leh xoogagga Al-shabaab taabacsan ee Muqdisho ku sugan, iyadoo ciidamada dowladda aysan habeenkii dhexmari karin degmadaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya