4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 21, 2014
Danjire Nicholas Kay oo Muqdisho kula kulmay Madoobe Nuunow Maxamed

Arbaco, May 21, 2014 (HOL) — Ergeyga Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, danjire Nicholas Kay ayaa Muqdisho kula kulmay wafdi ka socda maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Madoobe Nuunow Maxamed, wuxuuna ugu baaqay dhammaan dhinacyada ay arrintu quseyso inay khilaafyada siyaasadeed ee ka jira Baydhabo ka gaaraan heshiis loo wada dhan yahay kaasoo ay hormuud ka tahay dowladda federaalka Somalia.

Weli muran ayaa Baydhabo ka taagan maadaama madaxda siyaasadda isaga soo horjeedaan, Madoobe Nuunow iyo Maxamed Cabdi Nuur Mad-deer uu mid walba wato hindisayaal siyaasadeed oo is-diidan kuna qotoma maamul u sameynta gobollo ka kooban lix iyo saddex gobol oo ka tirsan Koonfur-galbeed Soomaaliya.

“Kulankeyga maanta wuxuu ahaa mid aan ku taageerayay wadahadallada uu garwadeenka ka ahaa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed. Waxaan soo dhaweynayaa u diyaar ahaanshaha dhammaan dhinacyada arrintu ay quseyso si ay u yeeshaan wadahadallo aan shuruudi ku xirneyn oo ay baadi-goob ayna ugu galayaan xal nabadeed,” ayuu yiri danjire Nicholas Kay.

Isagoo sii hadlaya ayuu ergaygu mar kale yiri: “Waxaanan ku faraxsanahay illaa iyo hadda horumarka la gaaray. Waxaan ku guubaabinayaa dhinacyada inay gaaraan xal siyaasadeed oo loo wada dhan yahay kaasoo u horseedaya habkii lagu sameyn lahaa maamul goboleed KMG ah oo uu yeesho Koonfur-galbeed Soomaaliya, maamulkaasoo aqoonsi ka helaya dowladda federaalka Soomaaliya, sidoo kalena taageero ka helaya bulshada caalmaka.”

Danjire Kay ayaa mar kale sheegay inay garwadeen ka tahay dowladda Somalia, ayaa looga baahan yahay dhammaan dhinacyada inay gaaraan heshiis ay raalli ka tahay dastuurka federaalka KMG ah iyo heshiisyada hadda jira. Waxaa kaloo iyadana aad muhiim u ah in la xaqiijiyo in dhammaan maamul goboloeedyada KMG ah ay ahaadaan kuwo loo wada dhan yahay.

“Arintani waxay quseysaa maamulka KMG ah Jubba iyo maamulka KMG ah ee mustaqbalka ka dhallan doona Koonfur-galbeed kaasoo aan rajeynayo inuu si dhaqso leh u taabbo-galo,” ayuu mar kale yiri danjire Kay.

Wuxuu intaas ku daray: “Xal si dhaqso leh loo helo ayaa u suuro-gelinaya inay bulshada caalamka si buuxda ula shasqeyso maamulka Kkoonfur-galbeed, iyadoo u maraya qorshaha higsiga cusub ee Soomaaliya. Sidoo kalena waxay arrintu albaabka u fureysaa sidii lagu horumarin lahaa arrimaha ammanka, si wax-tar lehna loola dagaalami lahaa Al-shabaab.”

Ugu dambeyn, danjire Kay ayaa shaaciyay in Qaramada Midoobay ay ka go’an tahay inay sii waddo taageerada ay siinayso dowladda Soomaaliya kuna aaddan qorshaheeda nabad sameynta iyo Qaran dhisidaba.

“Aniga waxaan diyaar u ahay inaan la kulmo dhammaan dhinacyada arrintani ay quseyso si loo baadi-goobo helitaanka nabad waarta iyo barwaaqo ka dhalata Soomaaliya. Waxaa aad muhiim in waqtiga laga faa’iideysto, anigoo rajeynaya in uusan qofna hor-istaagin waddada lagu gaarayo horumarka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya