4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 21, 2014
Ciidan Somalia loogu soo Tababaray Dalka Uganda oo ku biiray Al-shabaab

Arbaco, May 21, 2014 (HOL) — Ciidamada lagu soo tababaray dalka Uganda oo ka tirsan kuwa Soomaaliya ayaa guud ahaan gaaraya 3,600 oo askari, kuwaasoo dib uga soo laabtay Kampala, si ay uga qayb-qaataan nabad-sugidda qaybo kamid ah dalka, waxaana qaarkood ay xilli horeba ka howl-bilaabeen degmooyinka laga saaray kooxaha mucaaradka ah.

Qaar kamid ah warbaahinta adduunka ayaa qortay in ciidamadaas qaarkood ay ku biireen kooxda Al-shabaab ,taasi oo keentay in shaqada laga eryo mid kamid ah taliyayaashii ugu sareeyay howl-galka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Madaxda sare ee Uganda ayaa dhowr jeer oo hore beeniyay eedaymahan loo soo jeediyay, iyagoo ku tilmaamay kuwa aan raad lahayn, isla markaana la doonayo in lagu wax-yeeleeyo howl-galkooda Soomaaliya oo muddo sanado ah soo socday.

Taliyaha ciidamada difaaca Uganda Edward Katumba Wamala ayaa isla maanta xaqiijiyay in ciidamada dowladdooda ka jooga Koonfurta Suudaan ay kala soo bixi doonaan ka dib markii halkaas la geeyay ciidamo isku dhaf ah oo ka socda IGAD.

Eedayntan oon  ahayn tii ugu horeysay oo ay la kulanto Kampala ayaa cirka isku sii shareertay ka dib markii Press Tv oo laga leeyahay Iran uu sii daayay muuqaalo muujinaya dagaal-yahnno ka tirsan Al-shabaab oo la sheegay in ay tababar ku soo qaateen Uganda.

Uganda waxaa gudaha Soomaaliya ka jooga tiro ciidama ah ,kuwaasi oo qayb-ka ah howl-galka AMISOM, waxaana gudaha Somalia looga dilay 2,700 oo askari ilaa iyo sanadkii 2007-da ,markas oo howl-galkan ay ku soo biireen.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]