4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 18, 2014
Munaasabado iska soo horjeeda oo maanta ka dhacay gobolka Sool+SAWIRRO


Axad, May 18, 2014 (HOL) — Munaasabad lagu xusayay sannad-guurada 24-aad ee kasoo wareegtay xiligii maamulka Somaliland ay ku dhawaaqeen inay Soomaaliya inteeda kale ka go’een ayaa lagu qabtay magaalada Laas-caanood xarunta gobolka Sool.

Munaasabaddan oo ay kasoo qayb-galeen wufuud uu horkacayay wasiirka ciyaaraha iyo bulshada Laascaanood ku dhaqan qaarkood, waxayna lug ku soo mareen qaar ka mid ah waddooyinka magaalada.

Xarunta gobolka Sool ayay hadallo ku wajahan maalintan iyo xuskeeda laga jeediyay, waxaana ugu horreyn halkaas ka hadlay guddoomiyaha gobolka Sool oo ka war-bixiyay maalintan iyo muhiimaddeeda.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta Somaliland, C/waaxid C/qaadir C/raxmaan,  wasiirka ciyaaraha, Siciid Cali Regey-gal ayaa dadka ugu sharxay qiimaha ay leedahay maalintan iyo weyneynteeda sida ay uga go’an tahay ka gooni ka noqoshada Soomaaliya.

Munaasabaddan ayaa waxaa hakad geliyay rasaas goobtaas ka dhacday oo uu riday askari ciidamada milateriga Somaliland ka tirsan, taasoo keentay buuq iyo rabshad aan khasaare badan geysan.

Dhinaca kale, waxaa magaalada lasoo geliyay ciidammo badan kuwaasoo ilaalinayay isku-soo-bax la doonayay in olole nadaafadeed laga sameeyo magaalada; taasoo uu jideeyay maayarkii magaalada xukumi jiray 2005-tii Dr. C/rashiid Barkhadle.

Sannadkan ayaa ah kii ugu khasaaraha yaraa, iyadoo la xiray oo keliya dhowr dhallinyaro ah, kuwaasoo badankooda lasoo daayay waxaase taas loo aaneynayaa inta badan dugsiyada Hoose iyo Dhexe oo la dhiganayay.

Magaalada Buuhoodle ayaa kumannaan dad ahi isugu soo bexeen si ay uga qayb-qaataan maalinta nadaafadda oo sannad kasta maanta oo kale laga xuso.

Gaadiidka qashinka qaada ayaa lagu guray goobo kala duwan oo ku yaalla Buuhoodle, iyadoo ay ka qayb-qaadanayeen howshan nadaafadeed qaybaha kala duwan ee bulshada degmadaas.

Mas’uuliyiinta golaha deegaanka ayaa ka hadlay waqtigii ay socotay hawsha nadaafadda ee 18-ka May oo sannad kasta la xuso iyagoo sheegeen inay tallaabadan uga gol-leeyihiin caafimaadka bulshada.

Deegaannada kale ee laga xusay maalinta nadaafadda ayaa waxaa ka mid ah deegaanada hoos-yimaada Buuhoodle oo ay ka mid yihiin: Widh-widh, Horu-fadhi, Xidh-Xidh iyo kuwo kale.

Munaasabadahan iska soo horjeeda ayaa sannad walba laga qabtaa deegaannada gobollada Sool iyo Cayn, waxaana mararka qaarkood ay rabshado dhex-maraan dad kala taabacsan labada maamul.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool