4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 18, 2014
Danjire Ameerika oo booqday Soomaali ku xiran Garoonka Jommo Kenyata


Axad, May 18, 2014 (HOL) — Iyadoo ay weli ka socdaan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya howlgallada ay booliiska dalkaas ku qab-qabanayaan dadka sharci-darrada ku jooga Kenya, gaar ahaan xaafadaha ay Soomaalidu ku badan tahay ee Islii ayaa maanta mas’uulyiinta safaaradda Somalia ee dalka Kenya oo uu hoggaaminayay danjire Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa booqday Soomaalida ku xiran garoonka diyaaraha ee Jomo Kenyatta.

Danjiraha ayaa gudaha u galay xabsiga si uu ula hadlo maxaabiistaas kaddib markii ay ka soomeen cuntada muddo dhowr maalmood ah wuxuuna ku war-geliyay in toddobaadkan gudihiisa dib lagu celin doono Muqdisho.

“Dowladda Kenya waxaanu ka codsannay in dadka Soomaaliyeed ee sharci-darrada ku jooga Kenya oo ku xiran xabsiyada laga dhaafo ganaaxa iyo xarigga; dowlada Soomaaliya lagu soo wareejiyo si dalka dib loogu celiyo,“ ayuu yiri Danjire Ameerika oo la hadlay maxaabiista.

Sidoo kale, danjiraha ayaa u sheegay Soomaalidan in Kenya horay looga dhoofiyay boqollaal Soomaali ah oo ku xirnaa xabsiyada, haddii Alle idmana idinkana waa la idin dhoofin doonaa berri ama maalinta xigta.

“Waan ogahay xabsi meel fiican ma ahan; meesha ay ku jiraanna waa qolal aad u yar dadka ku xiranna aad ayay u dhibban yihiin waana ku dadaaleynaa sida ugu dhakhsiyaha badan in aanu ka dhoofino dalka,” ayuu danjiraha Soomaaliya ee Kenya u sheegay war-fidiyeenka.

Isagoo sii hadlaya ayuu yiri: “Waxaan rabaa dadka Soomaaliyeed inaan talo siiyo taasoo ah inay dambi tahay in dal ka baxsan kaaga si sharci-darro ah aad ku joogtaan, ardayda waxaa la siiyaa dal-ku-gal ama fiiso ardeynimo, kan ganacsadaha ahna waxaa la siiyaa fiiso ganacsi; sidoo kale qaxootiga oo la siinayo kaararka qaxootiga marka waxaan rajeynaynaa in dadka xiran dib ugu celino magaalada Muqdisho.”

Danjiraha ayaa ka warbixiyay waxay kala kulmeen gudaha xabsiga, isagoo ugu baaqay Soomaalida ku sugan Kenya inay sharciyada dalka qaataan si aysan howlgallada ay ciidamada Kenya wadaan aysan saameyn ugu yeelan.

Howl-galladan ay wadaan ciidanka Kenya ayaa saameyn weyn ku yeeshay Soomaalida ku dhaqan Kenya, iyadoo laga dayrinayo xaaladda bani’aadannimo ee ay ku sugan yihiin dadka ku xiran xabsiyada kala duwan ee dalka Kenya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya