4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 18, 2014
Iska-horimaad khasaare geystay oo ka qarxay tuulo ka tirsan gobolka Sool

Axad, May 18, 2014 (HOL) — Laba qof ayaa ku dhintay laba qof oo kalena dhaawac ayaa kasoo gaaray galabta tuulada Jidbaale oo 60-KM ku dhawaad Waqooyi ka xigta magaalada Laascaanood; kaddib markii dabley beeleed halkaas wada dega ay isku rasaaseeyeen.

Ma cadda sababta uu dagaalkani ku billowday, balse waxaa weli ka soconaya tuuladaas deegaanno ku dhow rasaas labada beelood u dhexaysa, iyadoo ay ku sii qulqulayaan gurmad labada dhinac ka kala socda, mana jirto sida uu sheegay Cabdi Warsame Cabdi oo halkaas ku sugan cid kala dhex-galaysa labadan dhinac ee dagaalamaya.

Sidoo kale waxaa xiisad colaadeed ay ka jirtaa degmada Xuddun oo labada beelood wada degaan, walow ay jiraan dhaqdhaqaaq qaar ka mid ah beelaha deegaankaasi deggen oo isku dayaya inay rasaasta joojiyaan sida uu HOL u sheegay Maxamed Jaamac Aadan oo ku sugan degmada Xudun.

Tuulada Jid-baale oo ah dhulka sida aadka loogu soo guurey waqtiga roobka ayaa dadka qaarkii ay hordhac ka dhigayaan in dagaalkan qarxay uu salka ku hayo aano beeleed.

Wixii kasoo kordha dib ayaan idin kala soo socodsiin doonaa, haddii ALLE idmo.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool