4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 18, 2014
NUSOJ iyo VIKES oo tababar u soo xiray suxufiyiin Soomaaliyeed (SAWIRRO)


Axad, May 18, 2014 (HOL) — Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee loo yaqaan NUSOJ iyo ururka horumarinta warbaahinta dalka Finland ee VIKES ayaa tababar u soo xiray 50 suxufi oo ka mid ah kuwa ka howlgala warbaahinta kala duwan ee dalka.

Munaasabaddii xiritaanka tababarkan ayaa waxaa ka qaybgalay xubno uu ka mid ahaa wasiirka warfaafinta xukuumadda Somalia iyo ku-xigeenkiisa, iyadoo isla goobta lagu guddoonsiiyay suxufiyiintii tababbarka ka qaybqaatay shahaadooyin.

Tababarka oo socday muddo saddex maalmood ah, ayaa suxufiyiintii ka qayb-galay waxay isugu jireen kuwa warbaahinta Qaranka iyo kuwa warbaahinnada kale ee madaxa-bannaan ka howlgala, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen xaflada xiritaanka xubno ka socday ururka horumarinta warbaahinta dalka Finland.

Xoghayaha guud ee NUSOJ, Maxamad Ibraahin Bakistaan ayaa ugu baaaqay saxafiyiintii ka faa’iideysatay tababarka inay ku dabaqaan howl maalmeedkooda, isagoo uga mahad-celiyay qaabka ay uga wada-shaqeeyaan dib u dhiska dalka.

Qaar ka mid ah saxafiyiinta tababarka loosoo xiray oo la hadlay warbaahinnada kala duwan ee dalka ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin in tababarka oo u socday muddo saddex casho ah, ayna wax badan ka faa’iideen, waxayna gabi ahaan u mahadceliyeen macallimiintii casharrada bixinyaya iyo ururradii sida wadajirka ah u soo agaasimay tababarka.

Agaasimaha Radio Muqdisho, Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh (Al-Cadaala) oo isna xiritaankii siminaarka hadal kooban ka jeediyay ayaa xusay in tababarradan oo kale ay qayb ka qaataan kor u qaadidda aqoonta suxufiga, isagoo suxufiyiintii tababarka ka qaybgalay ugu baaqay inay si cadaalad ah ugu adeegaan dadka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow  ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in intaan oo saxafi ay tababarkan ka qaybqaataan, isagoo tilmaamay in wasaaraddu ay dhiirri-gelinayso sidii sare loogu qaadi lahaa aqoonta saxafiyiinta.

“Runtii aad ayaan ugu faraxsanahay sida tababarku uu ku billowday iyo sida uu ku dhammaaday, waxaan aamin-sanahay in wax badan laga faa’iiday, aqoonta aad halkan ka hesheen waxaan idinka rajeynayaa inaad ugu adeegtaan bulshada Soomaaliyeed, mas’uuliyiinta ururka horumarinta warbaahinta Finland waan uga mahad-celineynaa arrintan,” ayuu yiri wasiirka.

Gunaanadii xafladda waxaa shahaado sharaf lagu guddoonsiiyay laba xubnood oo ka tirsan wasaaradda warfaafinta Somalia iyo la-taliyaha dhinaca sharciga ee ururka suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya