4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 18, 2014
SIILAANYO: “Wan soo Dhaweynaa Dhaliilaha Maamulkeyga loo soo Jeediyo”


Axad, May 18, 2014 (HOL) — Shacabka Somaliland ayaa maanta si weyn looga xusay guud ahaan Somaliland iyo caalamka kale, iyadoo wufuud wasiiro u badana loo kala diray gobolada iyo wadamo ka kamid ah Yurub.

Magaaladda Hargeysa ayaan xalay kala seexan, isla markaana gaadiid aad u faro badan oo lagu sharaxay calanka Somaliland oo ay wataan dhalinyaro ayaa wadooyinka marayey, kuwaas oo wadooyinkii ka dhigay cidhiidhi iyo mashquul, sidoo kale, dadweyne lugaynayey oo  aad u faro badan ayaa raxan-raxan u socday.

Hiirtii waaberiga ayaa dadweynuhu u dareereen agagaarka madaxtooyada oo lagu qabanayey xuska 18 may, taas oo ciidanka, ururadda bulshadda, Ardayda  iyo iskaashatooyintu la marayeen ciidanka.

Dadweyne aad u faro badan ayaa badhtamaha magaaladda u yimid daawashada gaardiska ciidamadda kala duwan ee Somaliland iyo gaadiidkoodda oo marayey wadada, ka dib markii ay dhoolo tuska ciidankii iyo dadweynihii dhamaaday waxa mar kaliya suuqyadii iyo wadooyinkii ku soo dareeray dadweyne aad u faro badan oo aad moodo in meel lagu hayey, maadaama ay gabi ahaanba gaadiidka la joojiyey intii dabaaldegu socday, isla markaana dadku lug ku yimaadeen badhtamaha magaaladda,ayaa markii gaadiidkii la fasaxay waxa mar qudha magaaladda ka bilaabmay hoon iyo sawaxan faro badan oo dhalinyaraddii ay intii munaasibadu ka socotay gaadiidku ka xidhnaa suuqa ku soo daayeen, iyagoo gaadiidkooda ku xidhay sameecado waaweyn oo ay ka qaylinayaan heeso wadaniya.

Maalmahan oo kale waxay dhalinyaradu ka soo kireystaan gaadiidka ay ku dabaaldegayaan  macradada gaadiidka lagu kireeyo, kuwaas oo habeen iyo maalinba wareega, iyagoo ka soo buuxiya dhalinyaro calanka lulaya, haseyeeshee halis badan ku jiro, inkastoo ciidanka amnigu waxba ka qaban kari waayeen halista ay ku jiraan dhalinyartaasi gaadiidka wata oo xawli ku socda.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa khudbad ka soo jeediyey munaasibaddan loogu dabaaldegayey madax banaanidda Somaliland, waxaanu shacabka Somaliland usoo jeediyey inay nabadgalyadooda ilaashaadaan.

 

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu markii ugu horeysay sheegay inuu tixgalinayo dhaliilaha loo soo jeediyey, isla markaana wax ka badan doono daldalooyinka maamulkiisa lagu dhaliillo.

“Waxaan soo dhaweynaa dhaliilaha dhabta ah ee maamulkayga loo soo jeediyo, waxa iga go’aan ah inaan gofeeyo daldaloolo kasta oo qarankan gaboodnimo uga soo gali garto, waxaan diyaar u ahay inaan dhug u yeesho tixgaliyana talooyinka taabogalka ah ee goleyaasha iyo asxaabta qaran”ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlayey dhaliilooyinka loo soo jeediyo sidii u sixi lahaa.

“Haddii dadka qaar caad iyo ciiro ka saaran tahay waxaan u cadaynaya in gooni isku taagga Somaliland uu maanta ka jaray 23 sano  oo gow ah,  oo aanu salka ku hayn caadifad, hase ahatee tani waxay ka markhaati furaysa mid gaamuray oo ka marag kacaysa qadiyadoodda, muddo kasta oo ay qaadanayso waxay dadkani diyaar u yihiin inay u dhabar adeegaan oo dhiig kale ku daadiyaan”ayuu raaciyey hadalkiisa.

Waxaanu intaas ku daray: “Waxaynu dhidibbada u taagnay  dawladnimo ku dhisan dhaqan aynu ka dhaxalnay awoowyaasheen nabadgalyo iyo dhawrista xuquuqul aadanaha, iyo nidaam doorasho oo ku dhisan asxaab taas oo dunida in badan inagu majeerato.”

Mar uu ka hadlayey Soomaaliya wuxuu yidhi “Walaalahayo Somaaliya waxaan leeyahay reer dan buu guuraa, sidaa darteed, waannu tashanay oo waannu isku tashanay. Dalka iyo dadka aan madaxda u ahayna idiinma soo socdaan ee illaawa oo idinkuna duco-qabayaal isku tashada. Walaalayaal, awrkii lamada iyo dhibaada lahaa ee aannu lixdankii idiin keennay isagoo cadaysimo ah ayaannu la noqonay ee aan kala eed la’aanno si gobeedna aan wax u kala guranno. Waxaanu doonaynaa way cadahay, waxaannuna ka digaynaa in dib loo abuuro cadaawad iyo caabuqii colaadihii ina soo maray”.

Mar kale isagoo ka hadlaya wada hadalka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya waxa uu yidhi “Xukuumadda aan gadh wadeenka ka ahay waxay diyaar u tahay in wada hadallada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya la sii ambaqaado, si looga gaadho maslaxad caam ah oo qawmiyada somaaliyeed u horseedi karta in ay ku wada noolaato nabad, walaaltinimo iyo deris wanaag salka ku haya laba dawladood oo dano badan iska kaashan kara. Waxaan bogaadinayaa  dawladihii  sida hagar la’aanta ah  gacanta uga gaystay qabsoomidda wada hadalkaasi,  haatanna diyaarka  u ah  inay sii wadaan  dedaalkaas”.

Dhinaca kale, waxa isna magaaladda Boorame kala qaybgallay  xuska 18 May madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici iyo wefti wasiiro ah oo uu hogaaminayo, waxaanu guud ahaan shacabka Somaliland ugu hambalyeeyey maalinta madax banaanidda Somaliland ee 18 May oo ah maalintii Somaliland ku dhawaaqday gooni isku taaga Somaliland.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland