4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 18, 2014
Ururka ka-hortagga Tahriibka ee SOYATO oo ku baaqay in la joojiyo Tahriibka


Axad, May 18, 2014 (HOL) — Munaasabad lagu maamuusayay maalinta 15- May oo ah maalintii la aasaasay ururkii gobonimo-doonka Soomaaliyeed ee SYL ayna lagu qabtay Muqdisho, iyadoo ay ka qaybgaleen bulshada qaybaheeda kala duwan.

Ururka ka-hortagga tahriibka Somali Youth Anti tahriib Organization SOYATO oo ah dhallinyaro Soomaaliyeed oo isku tagay si ay uga hortagaan Tahriibka, ayaa waxaa lagu soo bandhigay tahriibka iyo dhibaatada uu leeyahay.

Hal-ku-dhigga munaasabada ayaa ahayd: [JOOJI TAHRIIBKA] iyadoo boorar lagu soo bandhigay muuqaalo muujinaayo Tahriibka iyo Dhibaatooyinkii laga dhaxlay sannadihii u dambeeyay.

Guddomiyaha ururka SOYATO, Xasan Cusman Nur oo furitaanka munaasabada hadal ka jeediyay ayaa sheegay in dhallinyarada Soomaaliyeed uu ugu hambalyeynayo 15-ka May.

"Waxaan dowladda ka codsanayaa inay dhallinyarada shaqooyin iyo wax-barasho u abuuraaan, xildhibaannada Soomaaliyeedna ay sharci adag kasoo saaraan dadka wax tahriibiya," ayuu yiri guddoomiyaha SOYATO.

Sidoo kale, wuxuu ugu baaqay dhallinyarada Soomaaliyeed inay joojiyaan tahriibka oo uu ku sheegay inuu yahay qayb ka mid ah adoonsiga, lagana dhaxlo kufsi, jirdil, bah-dil iyo dhibaatooyin kale oo badan.

Gaba-gabadii guddoomiyaha SOYATO ayaa khudbadiisa ku sheegay wuxuu kaga dalbaday waaliddiinta Soomaaliyeed inay ubadkooda ka war-qabaan kana ilaaliyaan tahriibka iyo dhibaatooyinka kale.

Prof. Cali Gesey oo buugaag ka qoray tahriibka ayaa sheegay in tahriibku yahay dhibaato badan oo ay ka mid yihiin inuu qoska faqri ka dhigo, isagoo dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay xil iska saaraan dhallinyarada Soomaaliyeed ee sii dabar go'aya.

Sidoo kale, waxaa goobta khudbado ka jeediyay xildhibaanno baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan oo ay ka mid ahaayeen Bishaar Ugaas, Axmed Aadan iyo C/llaahi Yusuf; iyagoo si wadajir ah u caddeeyay dhibaatooyinka uu tahriibka leeyahay, waxayna sheegeen inay baarlamaanka hor-geyn doonaan dhibaatooyinta tahriibka, sharciyo adagna laga soo saari doono.

Iyagoo caddeeyay inay dhallinyarada la shaqeyn doonaan ay dhiirri-galin doonaan si looga hortago tahriibka, waxayna u mahad-celiyeen dadaalka ay wadaan dhallinyarada SOYATO.

Ugu dambeyn, waxaa munaasabadda lagu soo bandhigay warbixinno muujinayay dhibaatooyinka Tahriibka. Iyadoo tahriibka la ogyahay dhibaatooyinka uu ku hayo dhallinyarada Soomaaliyeed, waxaana amaan mudan dhallinyaradan Soomaaliyeed ee isugu tagay sidii ay u wacyigalin lahaayeen walaalahood, taas oo ah mid si aad ah loogu baahan yahay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya