4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 18, 2014
Soomaali ku Xiran Dalka Kenya oo Dalbaday in dib loogu Celiyo Soomaaliya

Axad, May 18, 2014 (HOL) — In ka badan boqol oo Somali ah oo ku xiran xabsi ku yaalla garoonka diyaaradaha Jommo Kenyatta ee magaalada Nairobi ayaa ka dalbaday dowladaha Kenya iyo Soomaaliya in dib loogu celiyo Soomaaliya.

Maxaabiistan oo ka mid ahaa dadkii howlgalladii Nairobi ka dhacay lagu qabqabtay ayaa sheegay inay cunnada ka soomeen, sidoo kalena ay dhibaatooyinka dhinaca cunnada, jiifka iyo nolosha ah ay ku haystaan xabsiga garoonka Jommo Kenyatta.

“Waxaan ku xirannahay xabsiga garoonka Jommo Kenyatta, runtii aad ayaa halkaan ugu rafaad-sannahay, waxaa kaloo nagu cuntay kaneeco, dadka qaarna maalintii ayay seexdaan kuwana habeenkii, waxaana ku xirannahay laba qof oo yar-yar,” ayuu yiri mid ka mid ah maxaabiista ku xiran xabsiga.

Sidoo kale, maxbuuskan u warramay warbaahinta ayaa sheegay in dhibaatooyin aad u xooggan ay xabsiga ku qabaan, ayna billaabeen inay cunnada ka soomaan si dib loogu celiyo Soomaaliya, isagoo xusay in go’aankooda uu yahay inaysan dib dambe cunno cunin illaa looga celinayo dalkoodii hooyo.

“Dadka xabsiga ku jira meelo kala duwan ayaa laga kala keenay, qaarkood waxay ku xiran yihiin 40-casho, qaar waxay ku xiran yihiin laba toddobaad, qaar intaas ka badan ayay ku xiran yihiin, marka dowladda Soomaaliya iyo caalamka waxaan ka codsanaynaa inay naga soo gaaraan,” ayuu hadalkiisa raaciyay ruuxan.

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo fara badan ayaa lagu qabqabtayo howlgallada ay ciidamada Kenya kawadaan magaalada Nairobi, gaar ahaan xaafadda Islii, iyadoo dadkaas qaarkood dib loogu soo celiyay Soomaaliya, halka kuwo kalena ay weli ku jiraan xabsiyada Kenya.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in dadka Soomaaliyeed ee Kenya ku nool ee aan sharciga lahayn lagu soo celin karo dalkooda hooyo si ay qayb uga qaataan dib u dhiska iyo nabadeynta dalka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya