4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 17, 2014
Xukuumadda Somalia oo Ammaantay kaalinta Itoobiya ay kaga jirto AMISOM


Sabti, May 17, 2014 (HOL) — Wasiir-u-dowlaha wasaarada arrimaha dibadda Soomaaliya, Burci Maxamed Xamza oo maanta la kulmay danjiraha Itoobiya ee Soomaaliya, Wondimu Asaminew ayaa ammaanay kaalinta ay ciidanka Itoobiya kaga jiraan howlgallada AMISOM ee Soomaaliya, iyadoo labada mas’uul ay kaga hadleen kulankooda xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal.

Burci Xamza ayaa uga mahad-celiyay Itoobiya marti-sooradda qaxootiga Soomaaliyeed ee ka cararay dagaallada sokeeye, shirarkii dib u heshiisiinta ee ay u qabatay Soomaaliya iyo kaalinta xilligan ay kaga jirto howlgalka nabad-ilaalinta ee AMISOM,

Sidoo kale, wasiir-u-dowlaha ayaa ka codsaday dowladda Itoobiya inay kaalinteeda milatari ay ku lifaaqdo mashaariic dib u dhis iyo howllo samafal aadamnimo ah oo ay dadka ku nool gobollada iyo degmooyinkii dhawaan laga saaray Al-shabaab ku gaarsiinayso gargaar.

“Waxaan ugu baaqayaa dhamaan safaaradaha ka howlgala Somalia inay ilaaliyaan marinka siyaasadeed ee laga soo galo Soomaaliya oo ah wasaaradda arrimaha dibadda, lagulana xiriiro dhammaan hay’adaha dowladda iyo kuwa kale,” ayuu si kooban u yiri wasiirka oo intaas raaciyay. Waxaan ka codsaday wasaaradaha iyo xafiisyada kala duwan ee dowladda inay iyaguna xushmeeyaan hab-maamuuska Qaranka iyo marinka siyaasadeed.

“Arrinta kale ee aan ku baaqayo waa in la ilaaliyo iyagana casuumadaha loo fidiyo safaaradaha iyo warqadaha loo diro safaaradaha shisheeye iyo kuwa Soomaaliya ay ku leedahay dalka dibaddiisa in lasoo marsiiyo wasaaradda arrimaha dibadda si qoraalladaasi u noqdaan kuwo soo maray dhabaha sharciga ah, maadaama mas’uul ay ka tahay wasaaraddu xiriirka iyo siyaasadaha dibadda,” ayuu yiri wasiir-u-dowluhu mar kale.

Dhankiisa, danjire Wondimu Asaminew ayaa muujiyay taageerada dowladdiisu ay u hayso dowladda federaalka Soomaaliya , isagoo ballan-qaaday in xiriir joogto ah ay la yeelan doonaan wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale xusay in xukuumadda Addis Ababa ay ka qayb-qaadaneyso mashaariicda dib u dhiska dalka, ayna  caawin doonto dadka Soomaaliyeed ee ku nool degmooyinka dhawaantan laga saaray Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya