4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 17, 2014
Kooxda kubadda kolayga ee Garoowe City oo lasoo dhaweeyey (SAWIRRO)

Sabti, May 17, 2014 (HOL) — Magaalada Garoowe waxaa maanta si diirran loogu soo dhaweeyey kooxda kubadda kolayga ee Garowe City oo kaalinta labaad ka gashay tartankii kubadda kolayga ee magaalooyinka ku yaal bariga iyo batamaha Afrika ee dhowaan magaalada Daarisalaam ee dalka Tanzania kusoo gabagaboobay.

Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland oo ay ku jireen wasiirro, xildhibaanno maamulka gobolka Nugaal iyo kan degmada Garoowe ayaa ciyaar-yahannada kooxda Garowe City kusoo dhoweeyey garoonka diyaaradaha.

Intaas kaddib waxaa loosoo galbiyey dhanka magaalada, boqolaal dadweyne ah oo ruxayey calammo iyo caleemo qoyan islamarkaana watey boorar ay ku qoran yihiin ereyo soo dhoweyn ah ayaa kooxda kusoo dhoweeyey Fagaaraha Barxadda.

Guddoomiyaha kooxda Cabdirashiid Xasan Xirsi Bakin oo dadweynihii soo dhoweeyey iyo saxaafadaba la hadlayey, ayaa sheegay in guusha ay kasoo hoyeen ciyaarihii kubadda kolayga ee bariga iyo bartamaha Afrika ay ahayd mid usoo hoyatay Soomaaliya oo dhan.
HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Wasiirka Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Puntland Cabdiraxmaan Shiikh Axmed ayaa isna goobta ka hadlay, wasiirku wuxuu u hambalyeeyey kooxda isagoo sheegay inay kor u qaadeen magaca Soomaaliya oo saaxada sportska in muddo ah aan lagu arkin.

Garowe City waxay kaalinta labaad ka gashay tartankii kubadda kolayga ee magaalooyinka ku yaalla bariga iyo bartamaha Afrika ee May 11, 2014 dalka Tanzania kusoo gaba gaboobay, kaddib markii ciyaartii kama dambeysta ahayd ay isugu soo hareen Kooxda Qaahira oo ay guushu ku raacday 72-84.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya