4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 17, 2014
Howlo lagu duminayo dhismeyaal sharci-darro ah oo laga billaabay Kismaayo


Sabti, May 17, 2014 (HOL) —Howlo lagu burburinayo dhismeyaasha sharci-darrada ah ayaa ka biloowday magaalada Kismaayo, iyadoo manta burburin lagu bilaabay dhismeyaal si sharci darro ah ugu yaallay nawaaxiga guriga gobolka ee magaalada Kismaayo.

Howshan ayaa ka bilaabatay xaafadda Faanoole, gaar ahaan halka loo yaqaan Isgoyska aaragada, goobtaasoo ay ku yaalleen dhismeyaal sharci darro ah, waxaana la arkayay gaadiid nooca wax burburiyo oo dhulka la simaya dhismeyaashaasi.

Guddoomiyaha gobolka J/hoose, Mudane C/rashiid Gooni oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howlaha lagu burburinayo dhismeyaasha sharci darrada ah ay sii socon doonaan, isagoo ugu baaqay dadka dhisanaya goobaha ka dhexeeya bulshada in ay ka waantoobaan.

Goobaha la burburinayo ayaa waxa sidoo kale qeyb ka ah goobo ganacsi oo ku yaal suuqa loo yaqaan Imbultooriyo, halkaasoo ganacsato badan ay dhisteen hareeraha wadooyinka.

Howlahani lagu burburinayo dhismeyaasha sharci darrada ah ee ka biloowday magaalada Kismaayo ayaa kusoo beegmaya iyadoo masuuliyiinta degmada Kismaayo ay dhawaan ku wargeliyeen ganacsatada hareeraha wadooyinka dhisatay iyo dadka goobaha sharci darrada ah degan in ay isaga guuraan.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya