4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 17, 2014
Koox Burcad-badeed Soomaaliyeed ah oo lagu Xukumay Dalka Maraykanka

Sabti, May 17, 2014 (HOL) — Maxkamad ku taalla Maraykanka ayaa xukunno xabsiyo dhaa –dheer ah ku ridday shan ruux oo Soomaali ah, kuwaasoo ku eedaysnaa  dacwad ah in ay fuliyeen weerar  burcad badeednimo ah sanadkii 2010-ka,kaasi oo  lagu qaaday markab laga leeyahay dalkaas oo lagu magacaabo USS Ashland oo marayay xeebah geeska Afrika.

Raggan oo u badan dhalinyaro ayaa kala ah Maxamed Cabdi jaamac, Cabdicasiis Cabaase ,Maxamed Cali Saciid ,C/risaaq Abshir Cusmaan iyo Maxmaed Faarax, waxaana la qabtay sanadkii la soo dhaafay ee 2013-ka bishiisi labaad.

Xukunka lagu riday dhalinyaradan Soomaaliyeed ayaa ka dhacay asbuucan maxkamad ku taalla degmada Norfolk,mana jirin cid ehelkooda ah oo goob joog ka ahayd xukankan oon ahayn kii ugu horeeyay oo ka dhaca gudaha Maraykanka.

Cabdi-casiis Cabaase waxaa lagu xukumay 42 sano ,halka Jaamac iyo Saciid iyagana lagu riday min 41-sano oo xarig ah ,iyadoo Maxamed Faarax iyo Abshir Cusman midkiiba lagu xukaumay min 32-sano oo xarig dhan.

Guddoomiyaha degmada Norfolk  Judge Raymond ayaa tilmamay in si wanaagsan xukunka loo riday ,isagoo xusay  in maxkamaddu ay damacsanayd markii hore xabsi daa’in ,basle aysan suurtagal noqon karin xiligan.

Ugu danbayntii dhalinayro Soomaaliyeed ayaa siyaabo kala duwan ugu xiran xabsiyo ku yaalla Maraykanka ,kuwaasi oo qaarkood ku eedaysan in ay wax ka fuliyeen weerarro lagu qaaday maraakib shisheeye oo xeebaha Soomaaliyay gooshayay.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]