4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 16, 2014
Danjirayaasha Carabta ee Muqdisho ku sugan oo la kulmay Mas’uuliyiin sare


Jimco, May 16, 2014 (HOL) — Kulan qado-sharaf ah oo ay isugu yimaadeen gabi ahaan danjirayaasha dalalka Carabta ee ku sugan Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ka qayb-galay mas’uuliyiin dowladda Soomaaliya.

Qadadan oo uu soo agaasimay danjire Maxamed Cabdalla Idiriis oo ah wakiilka u jooga Soomaaliya ururka Jaamacadda Carabta ayaa xubnihii ka qaybgalay ka mid ahaa: wasiir-u-dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Burci Maxamed Xamza iyo xildhibaan Shariif Maxamed Siidii.

Wasiir-u-dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda iyo danjirayaasha kulanka goob-joogga ka ahaa ayaa ka wareystay xaaladaha dalka Soomaaliya, taasoo qayb ka ah sare u qaadidda xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya ay la leedahay danjirayaasha ka howl-gala Muqdisho.

Kulanka qadada ah ayaa danjirayaashii ka qaybgalay waxaa ka mid ahaa, danjiraha Soomaaliya u jooga Cummaan, kan Jabuuti, midka Suudaan, danjiraha Masar, kan Liibiya, midka Yemen iyo wakiillada ururka iskaashiga Islaamka (OIC), Ururka Bisha Cas ee Qatar iyo xubno kale.

Dhanka kale, xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Somalia, Cabdullaahi Dool Maxamed ayaa isna ku qaabilay xafiiskiisa sii-hayaha xilka safaaradda Jamhuuriyadda Islaamiga Iiraan u qaabilsan Soomaaliya, Javad Dehghan Lotfabadi oo ay ka wada-hadleen xoojinta, horumarinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal iyo arrimo kale.

C/llaahi Dool ayaa muujiyay xiriirka ballaaran ee Soomaaliya kala dhaxeeya Iiraan oo ah mid aad u qoto-dheer, isagoo xusay horumarrada xiriirka labada dal ay ku tallaabsadeen.

Javad Dehghan ayaa isna dhankiisa sheegay in xukuumadda Tehran ay xoojinayso ayna horumarinayso xiriirka dhinacyada badan leh ee kala dhaxeeya Soomaaliya si loo suuro-geliyo fulinta  mashaariic horumarineed oo dib u soo nooleynaya adeegyada aasaasiga ah ee bulshada Soomaaliyeed.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya