4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 16, 2014
Xaflad ka dhacday baarlamanka UK oo lagu abaalmariyay arday Soomaaliyeed


Jimco, May 16, 2014 (HOL) - Munaasabad lagu abaal marinayey carruurta guulaha sare ka gaaray imtixaanaadkii waxbarashada sannadkii hore (high achievers) ayaa ka dhacday Aqalka Baarlamaanka Ingiriiska maalintii Isniinta. Carruurtan ayaa tobanka ugu sarreysa waxay shan ka mid ah noqdeen Soomaali, waxaana imtixaannada ay guulaha ka gaareen u diyaariyey mac-hadka la yiraahdo Best Tutors oo ku yaalla magaalada London. Mac-hadka ayaa ardayda ugu badan ee dhigata waxay yihiin Soomaali iyo Eeshiyaan.

Waxaa xafladda ka soo qayb galay xubno ka tirsan Baarlamaanka (aqalka sare iyo kan hoose), macallimiintoodii iyo waalidiintii dhashay. Waxaa joogay Lord Ahmed oo ah nin Muslim ah oo ku jira aqalka sare ee odoyaasha Ingiriiska iyo xildhibaanad Teresa Pearce oo ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska. Waxaa sidoo kale munaasabadda ka soo qayb galay Safiirka Soomaaliya ee waddanka Ingiriiska Ambassador Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) si uu farxadda ula qaybsado carruurta Soomaaliyeed.

Maamulaha Mac-hadka Best Tutors Dr Nazir Ahmed oo goobtaas ka hadlay ayaa ammaanay ardayda Soomaalida, wuxuuna tilmaamay in carruurta Soomaaliyeed haddii ay sida hooyooyinkood oo kale heli lahaayeen aabbeyaal ku dadaala ay gaari lahaayeen guul ka badan guulaha ay haddeer ka soo hooyeen imtixaannadooda. Wuxuu intaa ku daray in dadka Soomaalidu ay yihiin dad maskax badan oo haddii ay wax bartaan wax ka weyn ka beddeli kara waddankan Ingiriiska iyo dalkoodii hooyo.

Dr Nazir wuxuu baaq u diray ummadda Soomaaliyeed inay xoogga saaraan waxbarashada carruurtooda oo ah jiilkii berrito ka dhex sameyn lahaa is beddel dhinaca horumarinta ah dadkooda iyo dalkooda. Wuxuu kaloo ballanqaad u diray dowladda Soomaaliya inuu diyaar u yahay inuu si lacag la’aan ah ugu tababari doono shaqaalaha dowladda, isagoo xusay in tababar dhinaca waxbarashada iyo caafimaadka ah ay haddeer u fidiyaan Boqortooyada Cumaan.

Safiirka Soomaaliya Ambassador Sanbaloolshe ayaa isaguna uga mahadceliyey Dr Nazir sida walaaltinimada leh ee uu u garab-taagan yahay ardayda iyo guud ahaan ummadda Sooomaaliyeed. Dr Nazir wuxuu dhowr jeer dhaqaale ugu deeqay dhismaha ceelasha biyaha iyo agoonta ku dhibaateysan Soomaaliya. Safiirku wuxuu khudbaddiisa ku dhiirrigeliyey ardayda inay maanka ku hayaan dalkooda. Wuxuu ku nuuxnuuxsaday in waxbarashadu tahay tan keliya ee aadanuhu kaga xoroobay faqriga, gaajada iyo jahliga. Wuxuu tilmaamay in dowladda Soomaaliyeed ay muhiimad weyn siinayso hagaajinta waxbarashada dalka, si loogu jiheysto horumar.

Khadar Haji Abdiweli
London, UK