4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 16, 2014
Muwaaddiniin u Dhashay dalka Britain oo maanta laga daad-gureeyay Kenya


Jimco, May 16, 2014 (HOL) — Boqollaal ka mid ah dalxiisayaal dalka Britain u dhashay ayaa laga daad-gureeyay maanta dalka Kenya, kaddib markii ay soo saartay Britain digniin ku saabsan in Kenya ay ka dhici karaan falal argagaxiso.

Mid ka mid ah saraakiisha garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Moi ayaa u sheegay warbaahinta Kenya in 336-qof oo dalxiisayaal British ah in maanta laga qaaday magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

“Dadkan waxaa lagu qaaday laba diyaaradood kuwaasoo dib ugu celinaya dalka Britain,” ayuu yiri sarkaalkan oo diiday inuu magaciisa sheego. Isagoo intaas ku daray inay jiraan diyaarado kale oo doonaya inay dalxiisayaal kale oo British ah.

Sidoo kale, warbixin ay soo saartay dowladda Britain ayaa lagu sheegay in tan iyo 31-ka Oktoobar ee sannadkan la joojiyay duulimaadyada ay shacabka dalka Britain u dhashay ku tegi jireen magaalada Mombasa.

“Waxaan fahamsannahay in kalyanti badan oo safar ku tegi jiray Kenya xilliyada fasaxa ah ay tani dhibi doonto. Balse innagoo raacayna digniinta wasaaradda arrimaha dibadda Birtain ayaan go’aankan u qaadannay,” ayaa qoraalka lagu yiri.

Dowladda Britain ayaa toddobaadkan soo saartay diniin ahayd in dadka dalkeeda ay u safraan dalka Kenya, iyadoo sheegtay inay dhici karaan falal argagaxiso oo ka dhacay magaalooyinka waaweyn ee dalkaas.

Xukuumadda Kenya ayaa dhankeeda soo saartay warbixin ay ku sheegayso inay kalsooni ku qabto ammaanka Kenya ayna imaan karaan dalxiisayaasha, iyadoo la xusuusan yahay in Kenya dhaqalaha ugu badan uu kasoo galo dalxiiska.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya