4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 16, 2014
Maxkamadda Puntland oo amartay in lasii daayo xubno loo haystay Al-sabaab

Jimco, May 16, 2014 (HOL) — Maxkamada gobolka Nugaal ee Puntland ayaa sii daysay dad eedeysanayaal oo muddo bilooyin ah ku xirnaa xabsiga magaaladaas kaddib markii lagu waayay dambigii loo haystay oo ahaa inay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

Eedeysanayaashan dambiga lagu waayay oo ahaa saddex ruux ayaa sii-daynta la sii daayay waxay timid kaddib markii qareenka difaacayay uu soo bandhigay inaysan dembiga loo haysto ku lug lahayn.

“Raggan waxaa loo haystay inay Al-shabaab ka tirsan yihiin, muddo bilooyin ah ayay ku jireen xabsiga Garoowe, balse markii aan caddeymo lagu qanci karo u gudbinnay maxkamadda ayaa la amray in lasii daayo,” ayuu yiri qareenkii u doodayay saddexdan ruux ee lasii daayay.

Xabsiyada Puntland ayaa waxa ku jira rag looga shakisan yahay inay xiriir dhow la leeyihiin Al-shabaab  oo fariisimo ku leh deegaannada Puntland, kuwaasoo qaarkood horay loogu riday xukunno dil ah iyo xabsi ah.

Al-shabaab ayaa dhowr jeer kula dagaalamay ciidamada Puntland buuraha Gal-gala; howlgalo ay ku sheegaan inay amniga Puntland inay ku sugayeen amniga ayay ku qabqabteen rag badan oo looga shkisan yahay inay Al-shabaab ka tirsan yihiin.

Maamulka Puntland ayaa dhowr jeer oo hore sheegay inay ka hortagayaan inay xubnaha Al-shabaab ee ka imaanaya Koonfurta Soomaliya ay deegaannadooda soo galaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya