4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 9 , 2014
Maalinta Haweenka Dunida oo laga xusay Gobolka OHIO (SAWIRRO)


Axad, Maarso 09, 2014 (HOL) — Xaflad lagu maamuusayay maalinta haweenka aduunka ee 08-da Maarso ayaa lagu qabtay magaalada Columbus Ohio ee dalka Maraykanka.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qaybgalay qeybaha kala duwan ee qowmiyadaha ku nool gobolka OHIO, iyadoo ay xaflada goob-joog ka ahayeen Haween xilal sare ka haya dowlada gobolka Ohio, gaar ahaan magaalada Columbus sida Congress Woman Joyce Beatty, Senator Charleta B. Tavares, City Counsel Woman Eileen Y. Paley iyo mas’uuliyiin kale oo aad u faro badan; kuwaasoo dhamaantood ka hadlay ahmiyada ay haweenku bulshada u leeyihiin iyo sida ay bulsho walba kaalin uga ciyaaraan noloshooda.

Dad dhaqamo iyo afaf kala duwan leh ayaa isugu yimid munaasabadda kuwaasoo ku mideysan jiritaanka maalintan iyo kaalinta haweenka. Masuuliyiintii xafladan soo agaasintay ayaa sheegay in xafladdan ay tahay sannadkii sadexaad ee lagu qabto magaalada Columus, gaar aqalka looga arimoyo gobolka ohio ee loo yaqaan (State House).

Qaar ayaa soo bandhigay dhaqamada dalalkooda iyaga oo muujinayay sida ay maalintan ugu weyntahay haweenka dalalkooda oo marxalado kala duwan ku nool isla markaana siyaabo kala duwan u xusaya maanta oo kale.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Jaaliyada Soomaaliyeed ee Columbus oo ay horkacayeen aqoonyahanno iyo siyaasiyiin Rugcadaa ah oo uu ka mid yahay Wasiirkii hore ee Waxbarashada Dowladii KMG ahady Dr: Abdi Nuur Sheikh Mohamed, ayaa dhankooda soo buux dhaafiyay goobta waxaana xafladan ay noqonaysaa mid si weyn isugu xirta dadka ka soo kala jeeda wadamada kala gadisan ee uu mideeyay dalweynaha maraykanka kuwaas oo si gaar ah ugu nool magaalada Columbus.

Waxaa shahaadooyin la gudoonsiiyay Dhawr qof oo lagu abaalmariyay adeegooda jaaliyada iyo howlaha ay bulshada u ahayaan.

Khadro Mohamed Shire oo ah shaqsiga soo abaabulay xafladan ayaa uga mahadcelisay dhamaan dadkii ka soo qeybgalay sida ay uga qeyb qaadanayaan sidii loo dhiirogalin lahaa haweenka aduunka gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed oo ay tusaalaysay marxaladihii qaraaraa ee ay soo mareen.

Deeqo Shire (SONNA)
[email protected]
OHIO, Columbus, USA