4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 8 , 2014
Soomaalida iyo sida ay u jecel yihiin naaneysaha aan habboonayn

Sabti, Maarso 08, 2014 (HOL) — Muddo sannad ah ayey qaadatay inaan helo kaarka aqoonsiga shaqaalaha Xafiiska Madaxweynaha. Ugu dambeyntii waa lay aqbalay.

Kaarka waxaa ku qornaa jagadeyda oo ah La-taliyaha  Saxaafadda Caalamka, waxaana ku xigey magaceyga oo ay ka horreeyaan labo erey oo qows ku jira oo Af-soomaali ku qoran, kuwaas oo ah (Tima Cade) marka English loo turjumana noqonaya (White Hair). Ugu dambeyntii, naaneys ayaan yeeshay.

Soomaalidu waa dad naaneys bixinta aad ugu dheereeya, balse 12-kii bilood ee lasoo dhaafay wixii laygu yeeri jirey wuxuu ahaa (Gaal), oo English marka loo rogo ah (Infidel). Run ahaantii xoogaa takoorid ah ayaa taas ku jirta.

Kelmadda (Gaal) waxaa sida caadada ah loo adeegsadaa cid kasta oo aan muslim ahayn, madow iyo cadaanba. "Waryaa gaal kaalay", "gaalkii meeyey" iyo waxyaabo caynkaas ah ayaa laygu oran jirey. Haddase Timo-cade [White Hair] ma noqonayo magaca ugu soo jiidashada badan dunida, laakiin maalinna gaal kuma doorsan doono.

Markii ugu horreysey ee aan ogaaday jacaylka ay Soomaalidu naaneysta u qabtaa, wuxuu ahaa markii gabar nadiifiso ka ahayd halka aan degenaa ay i weydiisey "aaway wiilkii cuntada idiin keenay ee Faroole?"

"Magaciisu C/fataax miyaa?" ayaan weydiiyey, anigoo niyadda iska leh malaha way khaldantahay. Intay madaxa leex leexisay, faraheeda gacantana qaar laabtay ayey tiri "Maya, Faroole" iyada oo ku adkeysaneysa.

Faroole, waxay la micne tahay (No Fingers) ama kii aan faraha lahayn. C/fataax wuxuu farihiisa ku waayey qarax ka dhashay hoobiyeyaal ay Ururka Al-shabaab sanado kahor kusoo duqeeyeen aqalka madaxtooyada.

Tilmaamaha jirka gaar ahaan kuwa aan wanaagsaneyn ayaa lagama maarmaan noqonaya marka la doonayo in qof naaneys loo sameeyo.

Daaweynta ilkaha ama daantiisteyaashu halkan kuma badna, sidaas darteed waxaa jira dad badan oo ilko la' oo lagu naaneso (Geney) taas oo ah qof ilko jajaban ama ilkaha qaar ay ka maqan yihiin.

Haddii aadan timo lahayn ama aad madax diiran tahay, waxaa laguugu yeerayaa (Bidaar) oo English marka loo rogo ah (Baldy). Shiineyska waxaa loo yaqaan Indho-yar (Small Ayes), halka Carabtana loo yaqaan Dhega-cas (Red Ears).

Intii aan Muqdisho ku sugnaa waxaan la kulmay Jilbo Weyne (Knock Knees) Shigshigaaye (Stutterer), Yare (Shorty) and Yarisow (Tiny). Mid kamid ah saaxiibada aan isku fiicannahay oo ka shaqeeya xafiiska ra'iisul wasaaraha waxaa la yiraahdaa Indho Cadde (White Ayes).

In ka badan labaatan sano ayey Soomaaliya dagaallo ka dhacayeen, waxaana xad-dhaaf ah tirada dadka naafada ah, sidaas darteed waxaad arkeysaa dad badan oo leh magacyo ay kamid yihiin Laangare (Limpy) ama Curyaan (Handicapped).

Dadka qaba xanuunnada indhaha, gaar ahaan dadka indhaha kala leexsan leh, waxay Soomaalidu yaqaanaan Weershe (Cross-Eyed). Dumarka iyaga waxad moodaa in looga turay xadgudubka.

Magaca Luul ama Dimond waa magac guud oo hablaha Soomaaliyeed loo bixiyo, waxaa sidoo kale jira magacyo ay kamid yihiin: Macaaney (Sweet), Cod Weyn (Rich Voiced), Dahabo(Golden) iyo Indho Daraleey (Gazelle Eyes). Waana magaca aan anigu ugu jeclahay.

Qore: