4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 6 , 2014
Gaas oo ku baaqay in AMISOM la keeno Xadka Puntland iyo G/Dhexe
Khamiis, Maarso 06, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in xilligan ay muhiim tahay in la xoojiyo ammaanka gobollada dhexe si aysan Al-shabaab saldhigyo cusub ugu sameysan.

C/weli Gaas ayaa hadalkan kusoo qaaday waraysi uu siinayey wakaaladda wararka Reuters, isagoo ka digay inay dhici karto haddii Al-shabaab laga soo sifeeyo Koonfurta Soomaaliya ay farrisamo ka sameysan karaan deegaannada isku xira Puntland iyo gobollada dhexe.

Waxaa kaloo uu sheegay madaxweyne Gaas inay macquul tahay in qaar ka mid ah dagaal- yahanadda Al-shabaab ay kusoo dhuuntaan deegaannada Puntland oo ay gabbaad ka dhigtaan haddii looga soo adkaado dagaallada ka socda gobollada dhexe iyo kuwa koonfureed.

Sidoo kale, Gaas ayaa xaqiijiyay in xilligan buuraha Gal-Gala ay ku dhuuntaan dagaal-yahaanno  taabacsan ururka Al-shabaab, ayna hoy siin karto haddii xubnaha kale ee ururkaas laga soo saaro  Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland ayaa ugu baaqay AMISOM inay ciidan keento xuduudaha gobollada dhexe  ay la leeyihiin Puntland si firxadka Al-shabaab aysan ugu soo dhuuman deegaannada Puntland.

"Waxaan idiin xaqiijinaya inaysan jirin wax xiriir ah oo naga dhexeeya howlgalka AMISOM ee xilligan ka socda Bartamaha iyo Koonfurta dalka, balse arrinta aan wadaagno ayaa ah inaanu leennahay hal cadow oo loo bahan yahay inaan iska kaashano la dagaalantooda, balse waxaa muhiim ah in taas lagu baraarugsanaado," ayuu yiri madaxweyne Gaas u sheegay Reuters.

Hadalka madaxweyne Gaas ayaa imaanaya xilli gobollada Koonfureed ee Somalia ay ka socdan howlgallo lagu sheegay in lugu sifeynayo dagaal-yahannada dowladda kasoo horjeeda ee Al-shabaab,waxaana Puntland ay xilligan ka qabtaa arrintaas walaac xooggan.

Iimaan Maxamed,Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya