4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 6 , 2014
Kulan looga Hadlayay Xuquuqul Aadanaha oo lagu qabtay Kismaayo

Khamiis, Maarso 06, 2014 (HOL) — Kulan ballaaran oo ay kasoo qeybgaleen masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubba, ururrada dhalinyarada, Haweenka, Curyaamiinta, Odoyaasha dhaqanka iyo guud ahaan qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada Kismaayo isla markaana ka dhacay garoonka diyaaradaha Kismaayo ayaa lagu soo bandhigay hindise sharciyeedka gudiga xuquuqul Soomaaliya.

Kulankan oo ay soo qabanqaabisay hay’adda INTERNEWS ayay ujeedadiisu ahayd sidii bulshada ku dhaqan gobollada Jubooyinka ay uga qeybqaadan lahaayeen sharciga lagu dhaqi doono gudiga xuquuqul insaanka Soomaaliya, islamarkaana ay ugu biirin lahaayeen aragtidooda.

Wasiirka garsoorka iyo arimaha diinta maamulka Jubba Max’ed Cabdi Max’ed Joowhar oo kamid ahaa masuuliyiintii ka socotay maamulka Jubba ee kulanka lagu casuumay ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan in shacabka Jubooyinka ay aragti ku yeeshaan habka loo marayo dhismaha gudiga xuquuqul insaanka Soomaaliya, wuxuuna ugu baaqay dadkii kulanka kasoo qeybgalay in ay siweyn u falanqeeyaan qodobada ku qoran hindisahan islamarkaana ay ku biiriyaan wixii ra’yigooda ah.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:


Intaasi kadib, ayaa ka qeybgalayaashii kulanka loo qeybiyay hindise sharciyeedka gudiga xuquuqul insaanka Soomaaliya, waxayna ka doodeen islamarkaana ay falanqeyn ku sameeyeen qodobadii ku qornaa hindisahaasi, iyagoo soo bandhigay waxyaalaha ay la ahayd in lagu biiriyo amaba laga saaro qodobadaasi.

Sidoo kale ka-qayb-galayaashii kulanka ayaa su’aalo ku aaddan hindisahan waxay  xubnihii weydiiyeen xubnihii gudigii soo bandhigayay hindisahan oo uu horkacyaay Abukaate Ciise Axmed Warsame oo ah la taliyaha madaxweeynaha ee dhanka garsoorka iyo xuquuqul insaanka.

Abukaate Ciise Axmed Warsame oo gabagabadii saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in hindisahani uu yahay mid la doonayo in shacabka Soomaaliyeed ay ku yeeshaan aragtiyo, wuxuuna xusay in hore ay u geeyeen magaalooyinka Baydhabo, Baladweyne iyo degmada Garowe.

Hindise sharciyeedka gudiga xuquuqul insaanka Soomaaliya ee la doonayo in dhawaan la yagleelo ayaa kusoo beegmaya iyadoo dalka Soomaaliya ay aad ugu badanyihiin xadgudubyada loo geysto xuquuqda aadanaha.

Xasan Nuur, Hiiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya