Khamiis,
Maarso 06, 2014 (HOL) — Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa
kordhiyay xilliga qafiifinta cunno-qabteynta hubka ee Soomaaliya,
iyadoo lagu kordhiyay sideed bilood oo keliya.
Qafiifinta
cunno-qabteynta hubka Somalia ayaa soconaysa illaa bisha Oktoobar ee
2014-ka, waxaana go’aankan uu dowladda Soomaaliya u ogolaanayaa in ay
soo iibsato hubka fudud, iyadoo looga digay inay soo iibsato hubka
waa-weyn.
Xubnaha
golaha ammaanka ee Qaramada Midooba ayaa looga digay inay heshiisyo
dhinaca hubka ah la gasho dowladda federaalka Soomaaliya, iyadoo
qaraarkan uu noqonayo kii labaad oo cunno-qabteynta hubka looga
qafiifiyo Soomaaliya tan iyo sannadkii hore ee 2013.
“Waxaa
iska cad in dowladda Soomaaliya ay u baahan tahay xaalado adag oo ku
saabsan la socodka iyo ka warbixinta ee hubka ay keensato, " ayuu yiri
danjiraha Britain ee Qaramada Midoobay, Mark Lyall Grant.
Sidoo
kale, danjiruhu wuxuu sheegay in arrinta ugu weyn ee xukuumadda Somalia
looga baahan yahay ay tahay inay ka ilaaliso hubka ay soo iibsanayso
inuu galo gacmaha Al-shabaab oo dagaal hubeysan kula jirta dowladda
Somalia iyo AMISOM.
Golaha
Ammaanka ee QM ayaa dhanka kale mamnuucay dhoofinta dhuxusha
Soomaaliya, iyadoo qaraarka lagu sheegay in dhuxusha Soomaaliya aan loo
dhoofin Karin si toos ah iyo si dad-ban.
Cunno-qabateynta
hubka ee Soomaaliya ayaa waxaa la saaray sannadkii 1992-kii, iyadoo
sannadkii hore uu ahaa markii ugu horreysay oo cunno-qabteynta hubka
sir rasmi ah looga qaado qayb ahaan.
Dhawaan
ayaa warbixin ay soo saareen guddiga la socodka cunno-qabateynta hubka
ee Soomaaliya iyo Eritrea ayaa sheegeen in mas’uuliyiin ka tirsan
dowladda ay hub ka iibiyeen Al-shbaaab, inkastoo dowladdu ay taas
beenisay.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya