4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 5 , 2014
Dowladda oo sheegtay in Colaado ay kusoo wajahan yihiin Muqdisho

Arbaco, Maarso 05, 2014 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka xukuumadda Soomaaliya, C/llaahi Goodax Barre ayaa sheegay in Muqdisho uu kusoo wajahan yahay dagaal, loogana baahan yahay shacabka Soomaaliyeed gacan ku siiyaan dowladda sidii dagaalkaas looga hor-tegi lahaa.

C/llaahi Goodax ayaa sheegay in Al-shabaab markii ay ku jabeen gobollada dalka ay soo buuxiyeen Muqdisho, ayna wadaan qorshayaal ay Muqdisho dhibaatooyin uga geysanayaan, taasoo u baahan in la iska kaashado ka hortaggeeda.

“Shaki kuma jiro magaaladan inuu colaad kusoo wajahan yahay, waxaana shacabka iyo dowladda oo isku-duuban looga baahan yahay inay ka hor-tagaan, waayo Al-shabaab markii ay ku jabtay gobollada ayay kasoo buuxsameen Muqdisho,” ayuu yiri wasiirka.

Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay in ammaanka Muqdisho oo hagaaga uu ku xiran yahay wada-shaqeyn dhexmarta ciidamada amniga iyo shacabka Muqdisho, isagoo intaas raaciyay in markii Al-shabaab ay waydo goobaha ay gacanta ku hayso ay soo galayaan Muqdisho.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed ka dalbanayaan inaan qabiil-qabiil loo qaybin, in aan been loo sheegin, balse ay u diyaar-garoobaan sidii ay isaga difaaci lahaayeen kuwa doonaya inay Muqdisho ka qixiyaan mar kale,” ayuu yiri C/llaahi Goodax.

Isagoo sii hadlaya wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka dowladda Soomaaliya ayuu sheegay in Al-shabaab ay tahay koox aan diin iyo iimaan lahayn, waxayna doonayaanna buu yiri inay mar kale shacabka ka barakiciyaan Muqdisho.

“Shacabka waa inay soo sheegaan kuwa dhibaatada wada, mar labaad yaan la idin ka barakicin magaaladiina Muqdisho, waa codsiga xukuumaddu soo jeedisay ee soo sheega ku dhibka wada si aysan magaaladan gabbaad uga dhigan," ayuu mar kale yiri wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya.

Wasiirka arrimaah gudaha iyo federaalka ayaa hadalkan ka sheegay xaflad ay xilka kula kala wareegayeen guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho iyo guddoomiyihii hore ee maamulka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya