4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 4 , 2014
AMISOM oo Taageertay Mowqifkii Dowladda ee Shirarka Baydhabo

Talaado, Maarso 04, 2014 (HOL) — AMISOM ayaa taageertay go’aankii ay dowladdu ka istaagtay maamul u sameynta gobollada Soomaaliya, iyadoo warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya lagu sheegay in AMISOM ay taageerayso go’aanka maamul sameynta dalka ee waafaqsan dastuurka KMG ah.

Danjire, Maxamed Saalax Anaadiif ayaa qoraalkiisa ku sheegay inay taageerayaan halka ay dowladda Soomaaliya iska-taagtay shirarka iska horjeeda ee Baydhabo ka socda, isagoo xusay in AMISOM ay ku taageerayso dowladda qorshayaasha ay ku sameynayso maamullada gobollada dalka.

“AMISOM waxay taageeraysaa go’aanka dowladda ee ku aaddan maamul sameynta gobollada dalka ee waafaqsan dastuurka dalka. Sidoo kale waxaan taageeraynaa heshiiskii bishii Ogoosto lagu gaaray Addis Ababa, waxaana dhinacyada ay quseyso arrinta maamul sameynta aan ugu baaqaynaa inay ilaaliyaan xasilloonida; ayna ku saleeyaan maamul sameynta dastuurka dalka u dagsan,” ayuu yiri Dajire Anaadiif.

Ergaygu wuxuu intaas ku daray in mid ka mid ah shirarka ka socda Baydhabo lagu dhisay maamul goboleed ka kooban lix gobol, isagoo ka digay in arrintaas ay muran dhinaca siyaasadda ah dhaliso. Isagoo xusay inay ciidamada dowladda iyo AMISOM ay iska kaashanayaan ka hortaggan khalalaase walba oo dhaca.

Ugu dambeyn; wuxuu ugu baaqay dhammaan dhinacyada ku shirsan Baydhabo inay ka fogaadaan wax walba oo nabadda carqalad ku keeni kara, isagoo sidoo kale ku baaqay in dhammaan dhinacyada Soomaalida ay furan shirar go’aanno looga gaarayo muranka siyaasdeed ee jira.

Hadalkan ayaa wuxuu imaanaya xilli maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya oo lix gobol ay xubno ka yihiin ay u doorteen madaxweynaha maamulkaas Madoobe Nuunow Maxamed oo xildhibaan iyo wasiir kasoo noqday dowladihii KMG ahaa ee dalka soo maray.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxay shalay soo saartay warbixin ay ku caddeynayso mowqifkeeda ku aaddan shirarka iska soo horjeeda ee Baydhabo ka socda, iyagoo sheegay inay taageerayaan shirka lagu dhisayo maamul ka kooban saddex gobol oo Baydhabo ka socda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya