4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 31, 2014
Xisbiga TAYO oo Yeeshay kulankoodii ugu Horreeyay ee Sannadkan 2014-ka

Isniin, Maarso 31, 2014 (HOL) —Xisbiga TAYO ayaa kulankiisii ugu horreeyay oo ay yeeshaan sannadkan 2014-ka qabtay, iyadoo shirkan looga hadlay sidii uu xisbigu taageero uga heli lahaa shacabka Soomaaliyeed.

Shirarkan ayaa waxaa khadadka isgaarsiinta kaga qaybgalay madaxyada faracyada kala duwan ee xisbiga, sida: Norway, Netherland, Ingiriiska, Sweden iyo Waqooyiga Ameerika. Sida: Boston - MA, Ohio, Seattle -WA, Minnesota, Tennessee, iyo dalka Canada.

Warsaxaafadeed uu soo saaray xisbiga ayaa lagu sheegay in shirka lagu gorfeeyay sidii loo dar-dar-galin lahaa xisbiga, loona abaabuli lahaa tageerada shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay caalamka ka joogaan. 

Ugu dambeyn, xubnaha xisbiga ayaa ballan-qaaday inay laba jibaarayaan hawlaha  Xisbiga, maadaama uu dalku galay waqti xasaasi ah, loona baahan yahay in dalka iyo dadka Soomaaliyeed la wada badbaadiyo lana joogo xilligii loo wada-istaagi lahaa howshaas.

“Xisbiga TAYO wuxuu diyaar u yahay isku xirka bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay dunida ka joogaan iyo sidii ay isaga kaashan lahaayeen dib u soo calinta sharafta iyo Qarannimada Soomaaliya,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka xisbiga,

Qoraalka kasoo baxay xisbiga ayaa waxaa ku saxiixnaa xoghayaha warfaafinta ee Xisbiga, Inj. Xuseen Fiin.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya