Isniin, Maarso 31, 2014 (HOL) — Xisbiga cadaallada iyo horumarinta dalka Turkiga ee AKP ayaa helay 47.5%, codadkii doorashada dowladaha hoose ee Turkiga oo shalay la soo gaba-gabeeyay ,taasi oo ay si rasmi ah ugu qayb-galayeen dhamaan muwaadiniinta u dhashay dalkaas.
Tartanka ugu adag ayaa ka dhacay magaalooyinka waa weyn ee dalkaas, waxaana xisbiga ku soo xiga ee CHP uu helay codadkii la tiriyay 27.6%.iyadoo xisbigan uu si aad ah uga soo horjeedo habka ay u shaqayso xukuumadda Erdogon.
81 magaalo oo ka tirsan dalka Turkiga ayaa codadka doorashada laga dhiibtay waxaana 74-kamid ah magaalooyinkaas ay guushu ku raacday xisbiga AKP ,iyadoo markii ugu horeysay taarikhda dalkaas ay gabar xijaaban noqon doonto guddoomiye degmo gaar ahaan degmada Meran.
"Tani waxay jawaab u tahay siyaasiyiinta aan anshaxa lahayn iyo kuwa aan wax himilooyin ah lahay"ayuu yiri Erdogan oo taageerayaashiisa kula hadlayay isu soo baxyo ay taageerayashiisu ka sameeyeen meelo kala duwan oo dalka ah .
Xisbiga uu hogaamiyo Erdogan ayaa lagu eedeeyay in uu musuq-maasuq baahsan ka dhax-sameeyay gudaha dalka ,waxaana fadeexadda arintan la xiriirta ay soo shaac baxday ka dib markii ay is -casileen xubno muhiim ah oo dowladdiisa ka tirsanaa.
"Dadka oo dhan waa ay ku faraxsanyihiin qaabka ay dowladdu u maaraysay dhaqaalaha dalka oo markii hore aan wanaagsanayn," ayuu yiri Fadi Hakura oo ah falanqeeye dhinaca siyaasadda ah kana how-galka machad fadhigiisuna yahay London.
Ugu danbayntii doorashooyinka madaxtinimo ee dalka Turkiga ayaa dhici doona bisha Agoosto ee sanadkan ,waxaana si hor dhac ah loo sii shaaciyay suurtagal-nimada uu xisbiga AK-Party ku sii maamuli karo dalka,maadaama muddo 12s-sano ah u soo hogaaminayay dalka.
Faysal Mohamed Hassan
[email protected]