4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 31, 2014
Guddoomiye xilka laga qaaday kaddib markii uu sheegay hadal muran keenay

Isniin, Maarso 31, 2014 (HOL) — Guddiga wanaag-farista & xumaan reebista Somaliland, ayaa xilkii ka xayuubiyey gudoomiyahoodii sheikh Maxamed Xaaji Xiiray oo ay ka soo yeedhay hadal muran ku dhex abuuray bulshadda, ka dib markii uu  sheegay in diintu aanay kala saraysiin magta Dumarka iyo Ragga, balse dhaqanku kala saraysiiyey.

Guddidan oo fadhi degdeg ah ku yeeshay xaruntooda ayaa xilkii si ku meelgaadh ah ugu wareejiyey gudoomiye ku xigeenkiisa. Guddida ayaa sheegay in guddoomiyuhu baalmaray shuruucddii loo igmaday, isla markaana aanay la qabin hadalkaasi ka soo yeedhay oo ay sheegeen in miyi iyo  magaalaba lagu hadal hayo.

“Waxa aanu halkan ka cadaynaynaa in aanaan ku raacsanayn hadalka ka soo yeedhay Guddoomiyahayagii, hadii uu la toosnaaday arrinkaasina anaga tuur ayuu runtii nala yeeshay”ayey yidhaahdeen war-saxaafadeed ka soo baxay guddidaasi, waxaanay intaas ku dareen “Waxa aanu bulshada u cadaynaynaa in maanta laga bilaabo aanu guddoomiye noo ahayn, balse guddoomiye ku xigeenkiisii ayaa si ku meel gaadh ah u sii hayn doona xilka inta laga dooranayo guddoomiye cusub”.

“Dadkana reer Somaliland way la yaabeen hadalkaasi oo miyi iyo magaaloba dhagta ayaa taagan, waxaanan leenahay gudidu lama qabto isaguna banaanka ayuu naga joogaa, halkaas wixiisa ha ka sii wato ama ha ka joojiyo” ayey raaciyeen qoraalkoodda.

Si kastaba ha ahaatee, gudoomiyaha xilka laga qaaday ee guddida wanaagfarista Sheekh Maxamed Xaaji Maxamuud Xiiray oo ah wadaad si weyn looga yaqaano magaaladda Hargeysa ayaa warbaahinta ka sheegay in Magta Ragga iyo dumarku shareecadu aanay kala saraysiin, balse dhaqanku kala saraysiyey taas oo noqotay in dadku u rumaystaan in shareecadu kala saraysiiyey, balse ay tahay dhaqan dadku iska dhexlaan markii dambana isku bedeshay inay ka soo jeeddo arrin diineed.

“Kitaabka Qur’aanka iyo sunnaha Nabiga ee sugani Magta Raga iyo Haweenka may kala qaadin,  Sheekh Maxamed Al-qasaali wuxuu yidhi, Aayada Magta ka hadashaa ma kala soocayso Magta Raga iyo Haweenka. Cida tidhi dhiiga Haweenka ayaa ka jaban ka Raga waa sheegasho been ah” ayuu yidhi Sheekh Maxamed Xaaji Maxamuud Xiiray oo ka hadlayey in diintu kala saraysiin magta dumarka iyo raga.

Culummo kale ayaa iyaguna arrintaasi si weyn uga horyimid, kuwaas oo sheegay inay wadaadka ka codsadeen inuu ka noqdo balse uu ku adkaystay, ka dibna ay go’aansadeen inay cadeeyaan inuu wadaadkaasi khaldan yahay.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland