4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 31, 2014
Markabkii ugu weynaa Maraakiibta Soomaaliya oo qarka u saaran inuu Quuso


Isniin, Maarso 31, 2014 (HOL) — Markabkii ugu weynaa ee ay lahayd Soomaaliya oo lagu magacaabo Cismaan Geeddii Raage ayaa qarka u saran inuu quuso, kaddib markii ay biyo badan ku faruurmeen, isagoo ku xiran dekedda magaalada Cadan ee dalka Yemen.

Qunsul xigeenka safaaradda Soomaaliya ee Yemen, Xuseen Sheekh Axmed ayaa u sheegay VOA-da in markabka uu qarka u saaran yahay inuu quuso, kaddib markii lagu guuleysan waayay in biyo soo galay laga bixiyo.

“Markabka muddo badan ayuu ku xirnaa dekedda Yemen, laakiinse hadda xaalkiisu waa middii ugu darnayd, waayo biyo badan ayaa ka buuxsamay, kooxihii biyahaas ka bixinayayna waxay sheegeen in biyaha soo galaya iyo kuwa ay ka saarayaan ay badan yihiin kuwa soo galaya,” ayuu yiri Xuseen Xaaji Axmed.

Sidoo kale, qusulka ayaa sheegay in wasiirkii hore ee kalluumeysiga xukuumaddii Saacid uu qanadaraas ku siiyay dayactirka maraakiibta iyo dib u howlgelintooda shirkad laga leeyahay dalka Talyaaniga, iyadoo mas’uulkii shirkaddaas uu sheegay inuusan waxba ka qaban karin xaaladda uu markabka ku jiro.

“Waxaan la xiriiray mas’uulkii shirkaddii qandaraaska lagu siiyay in maraakiibtii ay lahayd Soomaaliya uu hagaajiyo, wuxuuna ii sheegay inuu u baahan yahay in mar kale qanadaraaska uu u cusboonaysiiyo wasiirka kalluumeysiga Soomaaliya,” ayuu mar kale yiri Xuseen Xaaji Axmed.

Dhanka kale, qunsulka ayaa dowladd Soomaaliya ugu baaqay inay wax ka qabato dhibaatada haysatada markabka, haddii uu dagana ay ku keeni karto in qarash lagu dallaco xukuumadda Soomaaliya, kuwaasoo ay ka mid yihiin inay markabka dagay u keento qalab looga saaro halkaas.

Maraakiibtii Soomaaliya ayaa intooda badan waxay muddo 22-sano ah ku xiran yihiin dekedda magaalada Cadan, waxaana maxkamad ku taalla dalka Yemen ay horay ugu xukuntay nin Yemeni ah oo sheegay inuu lacag ku lahaa shirkaddii kalluumeysiga ee SHIFCO oo gacanta ku haysay maraakiibta, balse dadaal badan kaddib ayaa lagu guuleystay in go’aankaas maxkamadeed la jabiyo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya