4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 31, 2014
Qarax Sababay Dhimasho iyo Dhaawac oo ka dhacay Magaalada Nairobi

Isniin, Maarso 31, 2014 (HOL) — Hal qof ayaa ku dhintay dhowr kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray qarax shalay gellinkii dambe ka dhacay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, iyadoo booliisku ay sheegeen in qofka dhintay uu ahaa ruuxii diyaarinayay qaraxa.

Qaraxan ayaa dhacay maalin kaddib markii dowladda Australia ay ka digay inay ka dhici karaan magaalada Nairobi ee xarunta ah iyo magaalo xeebeedda Mombasa weerar arga-gaxiso, iyadoo muwaadiniinteeda uga digtay inay magaalooyinkaas u safraan.

Taliyaha booliiska magaalada Nairobi, Barasa Wabomba ayaa sheegay in booliisku ay raadinayaan saddex ruux oo kale goobta ka baxsaday markii uu qaraxu dhacay, kuwaasoo aan la ogeyn halka ay haatan ku sugan yihiin.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaruxu uu ahaa mid xooggan uuna ruxay dhismaha oo dhan, iyadoo booliisku ay sheegeen in weerarkan fashilmay ay mas’uul ka yihiin xoogag taabacsan Al-shabaabta Soomaaliya.

“Kooxahan waxay qaraxa ku diyaarinayeen qaybta cunnada lagu karsado, balse si lama filaan ah ayay uga qaraxday, qaraxuna wuxuu ahaa mid la doonayay in meel kale loo qaado,” ayuu yiri Benson Kibue oo u hadlay booliiska Nairobi.

Magaalooyinka Kenya ayaa waxaa ka dhacay qaraxyo fara badan tan iyo markii ay ciidamadooda u tallaabeen gudaha Soomaaliya bishii Oktoobar 2011, kuwaasoo uu ka mid ahaa weerarkii Westgate Mall oo mas’uuliyadiisa ay sheegatay Al-shabaab.

Toddobaadkii hore ayay ahayd markii rag hubeysan ay weerareen kaniisad ku taalla magaalada Mombasa, halkaasoo ay ku dileen lix qof, labaatameeyo kalena ay kasoo gaareen dhaawacyo kala duwan.

Ciidamada la dagaalanka argagaxisada ayaa waxay sheegeen 17-kii bishan inay ka hortageen weerar ismiidaamin ah oo la doonayay in Mombasa laga fuliyo, iyadoo weerearkaas loo qabtay laba ruux.

Qaraxan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli madaxweynaha Kenya, Uhuru Keyatta uu maalmo ka hor la kulmay ganacsatada Soomaalida ah ee Islii, isagoo weydiistay inay ka qaybtaan howgallada lagula dagaalamayo wuxuu ugu yeeray argagaxisada.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya