4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 30, 2014
Rasaas uu Furay Askari Jabuutiyaan ah oo Sababtay Dhimasho iyo Dhaawac

Axad, Maarso 30, 2014 (HOL) — Qof rayid ah ayaa ku dhintay saddex kalana waa ay ku dhaawacmeen rasaas ka dhacday mid ka mid ah gadiidka ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM bartamaha magaalada Beledweyne.

Qof dhintay oo ahaa nin oday ah oo lagu magacaabi jiray Cumar Waasuge ayaa la sheegay in uu waqtigaa ku sugnaa goob ganacsi oo uu ku lahaa agagaarka kaalinka shidaalka ama Ajabka magaalada, halka dadka dhaawacmayna ay ku sugnaayeen isla goobta uu falka ka dhacay.

Dhaawac ayaa ayaa lagu daweynayaa isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne, waxaana ay dhaqaatiirta in oo sheegeen in mid ka mid ah lagu sameeyay qaliin, halka labada ruux ee kalana ay qabaan dhawacyo fudud.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay taliska ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka midowgga Africa AMISOM ama mas'uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan oo ka hadllay falka uu ku dhintay qofka rayidka ah labada kalana ay ku dhaawacmeen.

Waa markii ugu horeysay oo rasaas  uu riday askari ka tirsan ciidamada Jabuuti sidan oo kale ay wax yeello ka soo gaarto dad rayid ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
 Beledweyne, Soomaaliya