4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 30, 2014
Kalluumaysatada Somalia oo loo Samaynayo Kaarar iyo EU-da oo Taageertay

Axad, Maarso 30, 2014 (HOL) — Hay'adda cuntada iyo beeraha Qaramada Midoobay ee FOA ayaa hirgalisay mashaariic lagu hormarinayo kulluumaysatada Soomaaliyeed ee ka kalluumaysta badweynta Hindiya iyo badda Cas ee dalka.

Waxaa mashruucaan uu ka caawinayaa kalluumaysatada helidda kaarar aqoonsi ah oo lagu garanayo ,iyada oo ay ka bad-baadi doonaan in qof danbe oo iyaga ka tirsan loo xiro shakiga ah in ay burcad badeedda ka tirsanyihiin.

Lacagta ku baxaysa qorshahan waxaa iska kaashanaya dowladah ku jira howl-galka la dagaallanka burcad-badeedda Somalia oo ay ku jiran: Talyaaniga, Spain, France, Belgium iyo waliba Ingiriiska,waxaana fududeynaya qorshahan Trust Fund.

"Soomaaliya waxa ay leedahay xeebta ugu dheer Afrika ,waana mid kamid ah kuwa ugu qanisan xagga kheyraadka "ayaa lagu sheegay warbixin uu magaalada Nairobi ka soo saaray madaxa ugu sareeya hay'adda FOA ee Soomaaliya Luca Alinovi.

Weerarrada burcadbadeedda Somalia ayaa hoos u dhacay 40 boqolkiiba, waxaana sanadkii tagay ee 2013-ka dhacay xeebaha Soomaliya  246 weerar  oo aad uga yar weeraradii ay burcad badeeddu qaadeen sanadkii 2011-ka

"Markii hore badweynta Hindiya iyo gacanka cadmeed ee Somalia waxay ahaayeen baddo fashilmay ,balse hadda waa inaan ku fakarno sidii aan uga dhigi lahayn mid la maamuli karo "ayuu isna  yiri  Michele Cervone d'Urso oo ah ergayga gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan arimaha Soomaaliya.

Ugu danbayn, mashruucan ayaa wax-tar badan u yeelan doona kullumaystada Somalia, waxaana xog ururin laga samaynayo badaha Soomaaliya oo la xiriira  fursadaha ka jira si rasmi ah uga wada qayb-qaadan doona Midowga Yurub,dowladda Somaliya iyo kalluumaystada.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]